Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan
    Puntland

    Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 3, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Dowladda Ingariiska ee Soomaaliya Charles King.

    Charles King oo bishii May soo gaaray Muqdisho, u gudbiyay Xassan Shiikh dhambaal uu ka sidday Dowladda Ingariiska, kaas oo ku wajahan marxalada uu dalku marayo iyo xaalada cakiran ee siyaasadda dalka.

    Villa Somalia ayaa qoraal ay baahisay ku sheegtay in Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Charles King, ay isla soo qaadeen Horumarinta iskaashiga Amniga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Ingariiska.

    “Madaxweynaha jamhuuriyadda iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo amniga.”

    Dowladda Ingariiska ayaa gacanta ku haysa gal Arrimaha Soomaaliya, waxaana magacaabida safiirka cusub oo kasoo shaqeeyay muddo dheer Wasaaradda Arrimaha UK – loo arkaa mid wax ka bedeli karta ismari waaga siyaasadda Soomaaliya, isagoo ku biiri doona xubnaha Wakiillada caalamiga ah ee dadaalka ugu jira in Xassan Shiikh laga badbaadiyo Dowlad dhiska Soomaaliya.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    March 25, 2026

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Faallo:-Laftagareen,waa in uu qabtaa doorasho xor iyo xalaal ah

    Doorka Shiinaha iyo dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.