Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan
    Puntland

    Safiirka UK oo farriin gaarsiiyay Madaxweyne Xassan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 3, 2025No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha DFS, Xassan Shiikh Maxamuud ayaa waraaqaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Dowladda Ingariiska ee Soomaaliya Charles King.

    Charles King oo bishii May soo gaaray Muqdisho, u gudbiyay Xassan Shiikh dhambaal uu ka sidday Dowladda Ingariiska, kaas oo ku wajahan marxalada uu dalku marayo iyo xaalada cakiran ee siyaasadda dalka.

    Villa Somalia ayaa qoraal ay baahisay ku sheegtay in Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Charles King, ay isla soo qaadeen Horumarinta iskaashiga Amniga iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Ingariiska.

    “Madaxweynaha jamhuuriyadda iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, horumarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo amniga.”

    Dowladda Ingariiska ayaa gacanta ku haysa gal Arrimaha Soomaaliya, waxaana magacaabida safiirka cusub oo kasoo shaqeeyay muddo dheer Wasaaradda Arrimaha UK – loo arkaa mid wax ka bedeli karta ismari waaga siyaasadda Soomaaliya, isagoo ku biiri doona xubnaha Wakiillada caalamiga ah ee dadaalka ugu jira in Xassan Shiikh laga badbaadiyo Dowlad dhiska Soomaaliya.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.