Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Puntland oo dagaal ku dilay 50 xubnood oo Daacish ah
    Somalia

    Ciidamada Puntland oo dagaal ku dilay 50 xubnood oo Daacish ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 4, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In kabadan 50 xubnood oo katirsan argagixisada Daacish ayaa lagu dilay dagaallo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka firxadka ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaas 48 saac ee u dambeysay ka socday buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.

    Howlgallada oo intooda badan ka dhacay Toggaga Miiraale iyo Baallade, waxaana ciidamada Puntland oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka Puntland iyo kuwa Mareykanka ay gudaha u galeen aaggag ay gabaad ka dhigteen firxadka kooxda Daacish, ee laga saaray Miraale oo ahaa Taliska ugu weyn ee Daacish ku leedahay Geeska Africa.

    Ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku waayay labo Askari, halka saddex kalena uga dhaawacmeen.

    Hub fara-badan, rasaas, diyaarado Drone iyo saanad ciidan, ayaa argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysa.

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu waddo in maanta uu dib ugu soo laabto magaaladda Boosaaso – ayaa ku dhawaaqi doona in uu soo idlaaday Wajiga 3aad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish, loona gudbi doono Wajiga afaraad.

    Inta uu socday howlgalka Hillaac, ciidamada Puntland ayaa sifeeyay dhul ballaaran oo gaaraya ilaa 350-KM, kuwaas oo kooxda argagixisada ah ee Daacish ku lahayd joogis rasmi ah, kana geysan jireen falal argagixiso. Soo afjaridooda ayaa Puntland u soo hoyisay guul taariikhi ah iyo xulufo caalami ah oo ku qancay in Puntland ay tahay saaxiib rasmi ah, oo leh awood ciidan iyo mid siyaasadeed.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Halkee marayaa hawlgalka sifaynta haraadiga argagixisada Calmiskaad?

    May 6, 2026

    Shacabka Puntland waa in ay toos udoortaan Madaxweynaha 2029

    May 6, 2026

    Halkee marayaa dhusmaha Santuukh horumarinta Puntland?

    May 6, 2026
    Latest Posts

    Halkee marayaa hawlgalka sifaynta haraadiga argagixisada Calmiskaad?

    Shacabka Puntland waa in ay toos udoortaan Madaxweynaha 2029

    Halkee marayaa dhusmaha Santuukh horumarinta Puntland?

    Puntland oo dhisanaysa Bankiga horumarinta iyo maalgashiga

    Boosaaso oo heshay soo kabasho dhaba iyo rajo mustaqbal oo ifaya

    Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray garoonka Kubada Cagta Bosaso

    Qaramada Midoobay oo soo dhawaysay Gogosha Xasan Shiikh dhigay

    Wefti sare oo ku wajahan Bosaso maalmaha soo socda

    Faallo:-Ma tahay in la tago Gogosha Xasan dhigay?

    Midowga Yurub oo soo dhaweeyay Gogosha Xasan Shiikh dhigay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.