Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Puntland oo dagaal ku dilay 50 xubnood oo Daacish ah
    Somalia

    Ciidamada Puntland oo dagaal ku dilay 50 xubnood oo Daacish ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 4, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In kabadan 50 xubnood oo katirsan argagixisada Daacish ayaa lagu dilay dagaallo u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka firxadka ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish, kuwaas 48 saac ee u dambeysay ka socday buuraleyda Cal-miskaad ee gobalka Bari.

    Howlgallada oo intooda badan ka dhacay Toggaga Miiraale iyo Baallade, waxaana ciidamada Puntland oo taageero ka helaya diyaaradaha dagaalka Puntland iyo kuwa Mareykanka ay gudaha u galeen aaggag ay gabaad ka dhigteen firxadka kooxda Daacish, ee laga saaray Miraale oo ahaa Taliska ugu weyn ee Daacish ku leedahay Geeska Africa.

    Ciidamada Puntland ayaa dagaalka ku waayay labo Askari, halka saddex kalena uga dhaawacmeen.

    Hub fara-badan, rasaas, diyaarado Drone iyo saanad ciidan, ayaa argagixisada Daacish looga qabtay howlgalka, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha hoggaaminaysa.

    Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu waddo in maanta uu dib ugu soo laabto magaaladda Boosaaso – ayaa ku dhawaaqi doona in uu soo idlaaday Wajiga 3aad ee Howlgalka ciribtirka argagixisada Daacish, loona gudbi doono Wajiga afaraad.

    Inta uu socday howlgalka Hillaac, ciidamada Puntland ayaa sifeeyay dhul ballaaran oo gaaraya ilaa 350-KM, kuwaas oo kooxda argagixisada ah ee Daacish ku lahayd joogis rasmi ah, kana geysan jireen falal argagixiso. Soo afjaridooda ayaa Puntland u soo hoyisay guul taariikhi ah iyo xulufo caalami ah oo ku qancay in Puntland ay tahay saaxiib rasmi ah, oo leh awood ciidan iyo mid siyaasadeed.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    January 8, 2026

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    January 8, 2026

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    January 8, 2026
    Latest Posts

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Withdrawing the United States from International Organizations, Conventions, and Treaties that Are Contrary to the Interests of the United States

    Trump oo taageeray Askarigii toogtay gabadhii Minnesota

    War murtiyeedka ka soo baxay Carwada Technology Puntland

    Maraykanka oo joojiyay dhamaan gargaarkii DFS uu marsiin jiray

    Xildhibaanada Fadaraalka iyo kuwa PL iyo Mw Deni oo kawada xaajooday xaalka Dalka

    Madaxweyne Deni oo la kulmay Bulshada Rayidka ah

    Faallo:-Israa’iil oo ka dhabaysay aqoonsigii SL ay siisay.

    π–πšπ¬π’π’π«π€πš π€π«π«π’π¦πšπ‘πš 𝐃𝐒𝐛a𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐫𝐚’𝐒𝐒π₯ oo ka degay Hargaysa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.