Warqada Xasan soo saaray,waxaa ku khasbay BC oo kulankii ugu danbeeyay ee ay la yeelatay si cad ayay ugu sheegtay in laga rabo doorasho heshiis lagu yahay ka hor 15- May.
Xasan oo raba in uu BC qanciyo ama u been guuro,ayaa Warqadan soo tuuray.
Halkaas markay marayso,waxaa la gudboon Golaha mustaqbalka Laba qodob awgood in ay tagaan Shirka….
- In ay ilaalsadaan BC si aysan Gagarabkooda uga bixin oo Xasan hada Qool buu ku jiraa uusan fursad helin.
- In wada hadalkaas uu noqon karo mid guulaysta oo xal lagu gaaro.
PL iyo JL,waxaa la gudboon in Madaxweynayaashoodu ay tagaan Xamar Laba sababood awgood…..
- In aysan lumin BC.
- In aan lagala wareegin hogaaminta hogaanka mucaaradka iyo loolanka Xasan.
Gogasha Xasan dhigay tagid ayay mudan tahay,iyadoo laga eegayo shaqada Diblomaasiyiinta shisheeye ay qabteen.
Mw Deni mar in uu Xamar ku laabto,waa loo baahnaa,waana hada oo cadaadiskii siyaasiyiinta Xamar iyo BC durba miradhalay,waxa harsana ay tahay xoojinta PL.
