Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qasriga Madaxtooyada Garoowe oo Lagu Dhaariyey Wasiiru Dawle iyo Wasiir Ku-xigeen.
    Somalia

    Qasriga Madaxtooyada Garoowe oo Lagu Dhaariyey Wasiiru Dawle iyo Wasiir Ku-xigeen.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 28, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa maanta maanta oo ay taariikhdu tahay 27 October 2017 qasirga Madaxtooyada Garoowe lagu dhaariyey  Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Cabdiraxmaan Jamac Guulleed (Kulmiye)  iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib u Dhiska iyo horumarinta Puntland Abshir Cabdullaahi Maxamed.

    Munaasibadda dhaarta oo ka qabsoontay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Guddomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Puntland ayaa  kubooriyey  labadani masuul oo kamid ahaa Golihii Wasiirada dhowaan uu Madaxweynuhu Magcaabay inay si daacad ah, masuuliyadu ku jirto, xilkasnimole ay ugu adeegaan shacabka ay xilalkani uqabteen, isla markaana ay ka dhawr-soonaadaan wax walba oo shaqadooda hakad gelinaya, kana hor joogsanaya dardargelinta hawlohooda xafiis.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xasuusiyey labadani masuul ee maanta loo dhaariyey xilalka Wasiirru Dawle iyo Wasiir Ku-xigeen in Puntland geedi ugu jirto sidii ay u garabsan lahayd waddamada horumaray  ee maanta adduunka hormuudka u ah, isagoona Madaxweynuhu xusay in dalka uu ka socdo horumar lixaadle iyo mid amniba oo lagu taaba-gelinayo dhismaha dawladdnimo, fadaraaliisan, nabad-gelyo iyo horumarinta kaaba yaasha dhaqaalaha Puntlandba.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay masuuliyiintani inay si daacad ah ugu adeegaan dadkooda iyo dalkoobada, kana soo baxaan shaqada loo dhaariyey ee ah inay u adeegaan shacabkood, dalkooda, iyo Diintoodaba.

    =DHAMMAAD=

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.