Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Dawladda Puntland Iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyey.
    Somalia

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Iyo Wefti Balaadhan oo Uu Hogaaminayo oo Muqdisho Lagu Soo Dhoweeyey.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 28, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii danbe 28 October 2017 si diiran loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimadda DFS.

    Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaralka Somaaliya, Madaxweynaha Hir-shabeelle  Dr. Maxamed Cabdi Waare, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada DFS, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

    Madaxweyna oo kula hadlay garoonka Aadan cade warbaahinta ayaa uga mahad-celiyey masuuliyiinta goloyaasha DFS ee soo dhoweeyey isaga iyo weftigiisa, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in isaga iyo weftigiisu Muqdisho u yimaadeen ka qayb galka martiqaadkii uu fidiyey Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

    “Waxaan halkan u nimid ka qayb galka marti qaadkii uu fidiyey Madaxweynaha Dawladda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ahaa in laysu yimaado oo ay isuyimadaan dawladda Fadaraalka iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS, laga wada hadlo wanaajinta geedi socodka nabadda Soomaaliyeed iyo horumarinta qaranimada iyo dawladdnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

    “Runtii waxa loo socdaa waxa weeye hal mabda’, hal aragti, goolka la hiigsanayaana waxa weeye in lahelo Soomaalinimo wanaagsan, dalkoo la horumariyo, cadawgoo dalka laga xoreeyo, maamul wanaagsan, is kaashi iyo wax wada qabsi dawladda dhexe iyo dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Fadaraalka Soomaaliya, wixii aragti ah oo jirana si niyad sami iyo dawladdanimo ah looga wada hadlo intaas ayaan u nimid” ayuu yiri madaxweynuhu.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay inuu rajaynayo in is aragga madaxda Soomaaliyeed ahaado mid u horseeda Soomaaliya guul, wadajir, midnimo iyo horusocod.

    “waxaan rajaynayaa inuu noqdo is araggayagu iyo isu imaatin-kayagu mid u horseeda Soomaaliya guul, wadajir, midnimo iyo horusocod, shaqo badan baa ina sugaysa dhammaanteen guusha dawladda fadaraalka Soomaliya iyo tan dawladdaha xubnaha ka ah DFS waa isku mid waana mid nawada anfacaysa, marabno inaan wakhti lumino waayo haddaan lumino waxay ka luntay jiilalka soosocda ee anaga nabedelaya” ayuu yiri Madaxweynuhu dawladda Puntland.

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.