Markuu utagay Abiy,wuxuu ka codsaday in ay Itoobiya ku wareejiso Gobolka Gedo,isla markaana ay la rido Maamulka Axmed Madoobe ee JL.
Abiy markii hore,wuxuu ku yiri”Anagu ma burburinayno JL oo Xuduudka amnigiisu,waa noo muhiim”.
Balse wada hadal dheer oo dhexmaray kadib,waxaa la hor dhigay Xasan Shiikh in uu ka saaro Dowladiisa Raga Masar oo ugu horeeyo Xamse Laba Todobaad gudahood,waana soo aqbalay.
Dhacdadii Doolow,waxaa lagu yiri ” Gudi,ayaan usaaraynaa dhacdada baara”.
Markuu soo tagay,ayaa Cali Balcad oo ku haray lagu yiri..” Iska tag,Odaygaan iska diraynay Gudi ma Magacaabayno”.
Intaas kadib,waxaa Saraakiil Ciidan loosooo diray Beledxaawo si ay digniin kama danbays ah ugu geeyaan Janan iyo Ciidankiisa.
Itoobiya,waxay xaqiiqsatay in Xasan maaweelinayo oo Gedo usoo wado Masaari,waxayna go’aansatay in ay JL si dhamaystiran ugarab istaagto.