Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maraykanka “Puntland way sifaysay Buuraha Calmiskaad”
    Puntland

    Maraykanka “Puntland way sifaysay Buuraha Calmiskaad”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 27, 2025No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran iyo kuwa la dagaallanka Argagixisada ee Puntland,ayaa subaxnimadii hore ee 25-ka Bishan November ku qaaday weeraro culus fariisimo ay Daacish-Soomaaliya kaga sugan yihiin Toga Baalade.

    100-Askari in ka badan oo Ciidamada Maraykanka ah,ayaa ka qayb qaatay weerarka.

    Diyaaradaha Helicopter ah MH-60 oo ay saaran yihiin MQ-9 Reapers,ayaa iyaguna qayb ka ahaa weeraka,waxayna duqeymo ka geysteen Godad ku yaal Habar-Bakuuje iyo Mareero ee Calmiskaad.

    Godadka la duqeeyay,waxaa ku jiray dagaalyahano ka tirsan argagixisada Daacish,kuwaasoo gaaraya 10 ilaa 15.

    Ciidamada Maraykanka oo ku dagay Godadkaas,ayaa iska hor imaad dhexmaray Argagixisada ku jirtay Godadka.

    Iska hor imaadkaas oo socday Afar saacadood,ayaa waabarigii soo gabagaboobay,iyadoo lagu dilay 5 ilaa 10 xubnood oo argagixisada ah.

    Wararka la helayo,waxay sheegayaan in uu ku jiro mid ka mid ah Madaxda ugu saraysa Daacish oo dhalashadiisu Somali ay tahay iyo ilaaladiisii.

    Weerarkaas,waxaa lagu burburiyay kayd Hubeed iyo Qalab Dahabka lagu baaro oo Daacish ay lahayd.

    Ilaa iyo hada lama sheegin khasaare soo gaaray Ciidamada Maraykanka ee fuliyay hawlgalkaas.

    Maraykanka,ayaa sheegay in Puntland soo afjartay hawlgalkii Hillaac ee la dagaallanka Daacish,isla markaana ay gacanta ku qabatay si buuxda 100% Buuraha Calmiskaad.

    Sidoo kale Maraykanku,wuxuu xaqiijiyay in PL ku guda jirto haatan ciribtirka daacish ka hor Sanadkan dabayaaqadiisa.

    Warbixintan habayaraatee laguma xusin DFS,waxaana si cad loogu magac dhabay Puntland.

    Xigasho:-OSI https://x.com/Osint613/status/1993306288625729930?t=ml3qQFPz3r_iepdM7IIjTw&s=08

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    June 2, 2026

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    June 1, 2026

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    June 1, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo dhabarka ujeediyay ictiraaf raadintii Somaliland

    Mudug oo Boolis cusub tababar loogu soo xiray

    In ka badan 25-kun oo Arday oo ufariisatay imtixaanka Shahaadiga Ee Puntland

    Faallo:-Muxuu ka dhignaa weerarkii Ciidamada Laftagareen Ee Baydhabo?

    Beesha caalamka oo baaq udirtay hogaamiyayaasha Somalida

    At Least 10 Soldiers Killed in Clashes in Baidoa as Forces Clash in Urban Fighting

    Maraykanka oo ka niyad jabay dhismaha Dowlad dhexe oo xoog leh oo Somaliyed

    Maraykanka oo hirgeliyay Xaafiis amniga Badaha ah oo SL iyo PL isku xiraya

    Faallo:-SL ma waxay ku xadgudubtay Diinta Islaamka?

    Faallo:-Maxay PL uga dhigan tahay booqashada weftiga Maraykanka?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.