Dimuqraadigu si fudud ayay uqaawiyeen Jamhuuriga oo hogaamiyahoodii Kursiga ku fadhiyay,waxay ku hor ceebeeyeen caalamka.
Waxay tuseen shacabka Maraykanka iyo caalamka kalaba in uu Trump maran yahay.
Natiijada dagaalka ka dhex socda Xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga,waxaa laga arki doonaa doorashada soo socota.
Somali ahaan Trump magac weyn,ayuu noo sameeyay marka laga soo tago Akhlaaqxumadiisa qaawan oo dadka inta aragtida gaaban uriyaaqayso.
Sidoo kale Ilhaan,waxay taariikhda ku gashay Gabadhii la goos goosatay Madaxweyne Maraykan ah oo Kursiga ku fadhiya.
Jamhuurigu,waxay is lahaayeen dadka cadaanka ah codkooda ku hela cunsuriyada ay muujinayeen,waase la rogmatay sida muuqata.
