Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Trump oo Canshuur dheeriya ugu hanjabay Wadanka Kanada
    Somalia

    Trump oo Canshuur dheeriya ugu hanjabay Wadanka Kanada

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 25, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu 100% canshuuro ku soo rogi doono badeecadaha Canada, haddii waddanku uu heshiis ganacsi la galo Shiinaha.

    “Haddii Kanada ay heshiis la gasho Shiinaha, isla markiiba waxaa lagu soo rogi doonaa 100% canshuur oo ka dhan ah dhammaan badeecadaha Kanada iyo badeecadaha soo gala USA,” ayuu Trump ku yiri bartiisa Truth Social.

    Ma cadda heshiiska uu Trump kaga hadlayo qoraalkiisa baraha bulshada. Toddobaadkii hore, Ra’iisul Wasaaraha Canada Carney ayaa ku dhawaaqay “iskaashi istiraatiiji ah” oo ay la leeyihiin Shiinaha, waxayna ku heshiiyeen in la dhimo canshuuraha.

    Waqtigaas, Trump ayaa tallaabadaas ku tilmaamay “wax wanaagsan”. Balse xiisadda u dhaxaysa Maraykanka iyo Canada ayaa sii kordhaysay maalmihii la soo dhaafay, ka dib markii Carney ay khudbad uu ka jeediyay magaalada Davos ku sheegay in la jabsaday nidaamkii adduunka ee uu Maraykanku hoggaaminayay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Talyayaasha Ciidamada Maraykanka iyo UK oo booqday Mw Deni

    January 25, 2026

    Dhimasho ka dhacday markale Magaalada Minneapolis Ee Wadanka Maraykanka

    January 25, 2026

    Shiine oo yareeyay daymaha uu siiyo Qaarada Afrika.

    January 24, 2026
    Latest Posts

    Talyayaasha Ciidamada Maraykanka iyo UK oo booqday Mw Deni

    Trump oo Canshuur dheeriya ugu hanjabay Wadanka Kanada

    Dhimasho ka dhacday markale Magaalada Minneapolis Ee Wadanka Maraykanka

    Shiine oo yareeyay daymaha uu siiyo Qaarada Afrika.

    Beesha Caalamka oo fariin udirtay Xasan Shiikh?

    Golaha Mustaqbalka Somaliyed Oo aqbalay Gogosha Xasan Shiikh

    Faallo:-Qorshaha Trump Ee Qasada cusub iyo saamaynta caalamka

    Beesha Caalamka iyo Golaha Mustaqbalka Somaliyed oo kulan ku yeeshay Nayrobi

    Maxaa kasoo baxay kulankii BC iyo PL Ee Nayrobi?

    Maxay Dowlada Imaaraadka Carabtu ka taageertaa Puntland?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.