Bartamaha iyo Koonfurta oo aan udiyaarsanayn in ay Dowlad noqdaan,ayaan ku dhufanay Irbad foolkululaysa ah……
1.Waxaan abaabulnay dhismaha DF oo Somali yeelato,waa ku guulaysanay 7-Shir kadib.
- Waxaan xanbaarnay oo kaligeen dusha saaranay juhdigii ugu badnaa ee Dowladaas ubaahnayd si ay ugaarto Villa Somaliya,waana gaartay.
3.Waxaan u istaagnay oo si ka balaaran Somalida kale xil iskaga saarnay in ay yeelato Dowladaas Dastuur,waa na yeelatay.
- Waxaan u istaagnay oo si gaar ah xil iskaga saarnay in ay Dowladaas hesho aqoonsi Qaranimo,waana heshay oo kmg ayay ka baxday.
- Waxaan ka shaqaynay oo Geed fadhi unoqonay Dowladaas in ay noqoto mid gudaha ka hana qaada,waana dhaqaaqday oo waxaa lagu wareejiyay…..
B.Maamulkii Hawada( Somali Civil Aviation).
T.Maamulkii hay’ada socdaalka.(Imgration-ka)
J.Maamulkii Deeqaha caalamka.(New Deal).
- Waxaan diyaar u ahayn kasii shaqaynta awoodaha harsanaa in Gacanteeda la geliyo sida……
B.Midaynta siyaasada amniga ( Dhismaha Ciidan Qaran).
T. Midaynta siyaasada dhaqaalaha (Midaynta Canshuuraha iyo miisaaniyadaha).
Balse nasiibdaro dadaalkayagaas hadaan nahay reer Puntland,waxaa loolan ku ahaa burburin guulaha la gaaray,kaasoo ka imaanayay Somalidii kale oo u arkay shaqada dhismaha Qaran ee socota wax reer PL gaar uleeyihiin.
Haatan iyo dan?
Tanaasulaadkii aan ku samaynay niyad wanaaga iyo in Qaran Somaliyed oo aan caalamka kula tartano in la helo daraadiis,waxaaan aqbalnay…..
B. In Garowe oo kaligeed shidan Wadankoo dhan lawada shido.
T.In Puntland oo kaligeed Jamhuuriyad ah lala simo DG Xaafado ah.
J.In Madaxweynaha Puntland oo ah Madaxweyne Qaran in uu la maqaam noqdo Niman Xaafado jooga.
Waa in aan dib uga xisaabtanaa oo aan Miiska soo saarnaa…..
B.Caasimada Wadanka.
T. Nidaamka Wadanka.
J. Qaybsiga awoodaha amniga.
X.Qaybsiga awoodaha siyaasadeed.
Kh.Qaybsiga Deeqaha.
Shalay hadaan tanaasulnay Maanta,waa in aan xisaabtanaa oo aan ka faa’idaysaynaa fursada Xasan sameeyay ee uu Gacmihiisa ku fashiliyay wixii la dhisay.
Dowladnimada Villa Somaliya Maanta taala habayaraatee wax dan gaar ah oo noogu jirtaa majirto hadaan reer PL nahay ee aan dayno Xasan ha burburiyee.
Hadii la waayo Qaran loo siman yahay in lakala tago ayay noogu badisaa.
