Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo wafti Sare oo uu hoggaaminayo ayaa barqanimada maanta ka degi doona caasimadda Israa’iil ee Tel Aviv.
Wasiiro ay kamid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibedda, Gaashaandhigga iyo Saraakiisha ciidamada Somaliland iyo xubno Sare ayaa kamid ah waftiga Madaxweyne Cirro. Madaxweynaha ayaana kulan la yeelan doona dhiggiisa Israa’iil, Isaac Herzog – isagoo sidoo kale booqan doona goobo taariikhi ah oo ku yaal gudaha Israa’iil.
Labada dhinac ayaa qorshuhu yahay in ay gaaraan heshiisyo waa weyn oo la xiriira iskaashiga Milateri iyo mid dhaqaale, taas oo noqonaysa dhacdo weyn.
Tan iyo markii uu billowday xiriirka Israa’iil iyo Somaliland – waxaa xoogeystay loollanka gobolka Geeska ee quwadaha, DFS ee fadhigeedu yahay Xamar ayaa ka hor timid xiriirka labada maamul.
IDILNEWS
