Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa yeeshay kulan looga hadlay xiriirka dublamaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.
Cirro oo shir jaaraa’id oo wadajir ah ay qabteen Netanyahu ayaa sheegay in go’aankan ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland aysan ahayn oo kali ah aqoonsi diblomaasiyadeed, balse uu ahaa xaqiijin rasmi ah oo dunida u muujinaysa xaqiiqada siyaasadeed, sharciyeed iyo taariikheed ee Somaliland, taas oo muddo 35 sano ah dunida horteeda ku soo bandhigaysay tusaale guulaystay oo ku dhisan nabad, dimuqraadiyad, dawladnimo, xasillooni iyo kala dambayn.
Somaliland iyo Israa’iil ayaa si rasmi ah u kala saxeexday Baaqa Istaraatiijiyadeed ee Iskaashiga labada maamul. Heshiiskan ayaa dhigayaa aasaaska xiriir istaraatiiji ah, kaas oo ku dhisan iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.
Israa’iil ayaa 26 December, 2025 u aqoonsatay Somaliland dal madax banaan Cirro ayaa axadii ay uga bilaabatay Israa’iil booqasho 5 maalmood ah.
IDILNEWS
