Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gabadh Qaayo Weyn.WQ.Cabdinaasir Biixi Soofe
    Somalia

    Gabadh Qaayo Weyn.WQ.Cabdinaasir Biixi Soofe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gabadh Qaayo Weyn

    Gabadh qaayo weynoo

    Geenyo ugub la moodoo

    Garashiyo aqoon iyo

    Gobannimo u dhalatoo

    Qurux Guulle siiyoo

    Xishood lagu galladayoo

    Reerkoodu gaan yahay

    Oomasoore guban iyo

    Gaajiyo harraad arag.

    Geesiyaal walaalo ah

    Garbaheeda joogaan,

    Gardarrada ma qaatee

    Haddii uu dagaal galo

    Aabbaheedna gaas iyo

    Soo kiciyo geesh adag.

    Sidii waxaan la gooyn karin

    Geel iyo gammaan faras

    Gawaarida is-jiidiyo

    Dahab loogu ardaa galo

    Giiryaale fuley iyo

    Gaandhadiyo ragaaskuna

    Isha inuu ku gaadoo

    Guudka sare ka eegtiyo

    Gaaggaatan mooyee

    Xeradaba aan soo gelin.

    Gablantooy adduunyada

    Waa guri belaayoo

    Dagaal lagu gumaadmiyo

    Cudur aan la garanayn

    ’Gam!’ ka siiyey gacalkeed

    Aakhira u guureen.

    Iyadoo garayskii

    Ku giirgiirmay oogada

    Garbasaarta sare iyo

    Go’na aanan lagu arag

    Maxaa Guufan-guufaa

    Markay gaankaa marayso

    Indhuhuun gembiyi jirey,

    Giirka iska kiciyoo

    Hadba garab istaagoo;

    ”Ma ku guursadaa?” yidhi,

    ”Mise gaabsigaa roon?”

    Afku intuu jawaab gabay

    Ilmaduna ka gabax tidhi,

    Geesta isu buustoo

    Soo gocotay waa hore;

    ”Allow muu guyaal tegey

    Garaadkii i dhalay iyo

    Gayfane adeerkey

    Iyo gobannimadoodii

    Ama gaarhayoo nool

    Afka ila soo galo,

    Maxaa geeso dhiig liyo

    Gawsahoo la jebiyiyo

    Gaagtira ka dhici laa.”

    Cabdinaasir Biixi Soofe

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Waa kuma Sarkaalka noqday Talyaha Africom?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.