Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ku wareejisay Hay’addaha Amniga Mareykanka Cabdikariim Iidle oo ku eedeeysan lunsashada Lacag Malaayiin dollar ah, taas oo taageerada dhaqaale ee Dowladda Mareykanku siinaysay dadkeeda iyo soo galootiga, xilligii lagu guda jiray COVID-19.
Cabdikariim Iidle, oo 42 sano jir ah ayaa qeyb ka ahaa lunsashada 250 Milyan oo dollar, waxaana uu afar sano ahaa baxsad, isagoo qabashadiisa loo adeegsaday Hay’adda Sirdoonka Muqdisho ee NISA.
Sida ay sheegeen Hay’addaha Cadaallada Mareykanka – Iidle ayaa lagu soo oogay September 2022, 32 dacwadood oo la xiriira lunsashada dhaqaale ka yimid Federaalka Mareykanka, looguna talagalay dadka uu saameeyay bandowgii cudurka COVID-19, waxaana la filayaa in uu kasoo muuqdo maxkamaddaha Mareykanka.
Maamulka Trump ayaa ku tilmaamay Cabdikariim Iidle oo kasoo jeeda ‘Dhuusamareeb, Galmudug’ mid kamid ah shaqsiyaadkii udub dhaxaadka u ahaa khiyaano Qaran iyo lunsashada Hantida Shacabka Mareykanka.
IDILNEWS
