Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Hay’adda ICG: DFS & Al-Shabaab isku awood ayay noqdeen.
    Somalia

    Hay’adda ICG: DFS & Al-Shabaab isku awood ayay noqdeen.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 2, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Warbixin kasoo baxday Hay’adda Xasaradaha Adduunka ee (International Crisis Group) ayaa lagu sheegay in DFS ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo Kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay isku awooddo noqdeen, uuna ku guuldareystay maamulka Xassan Shiikh in uu horu socod ka sameeyo dagaalka Al-Shabaab.

    International Crisis Group ayaa xustay in DFS iyo Al-Shabaab ay isku barbar dhaceen, uusana jirin dhinac faa’ido ka sameeyay dagaalladii dhacay ee ku bilowday kacdoonkii Beesha Xawaadle.

    Waxay sheegtay in Al-Shabaab dib u qabsatay deegaano badan, ayna burbureen ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka macawisleyda.

    Hay’adda Xasaradaha Adduunka ayaa soo jeedisay in Soomaaliya ay gasho doorasho, kaddibna la aado jid wada-hadal, maadama aysan muuqan ifafaalo muujinaya in DFS ay ka guuleysan karto Al-Shabaab.

    “Haddii Soomaaliya ay ka gudubto waxa u muuqda inuu noqon doono wareeg doorasho oo kale oo aad loogu muransan yahay sanadka 2026, maamulka cusub wuxuu fursad u heli doonaa inuu dib u eego wax ka qabashada Al-Shabaab. Si taas loo gaaro, dowladda doorashada kadib waa inay xoogga saartaa xoojinta ciidamada, oo ay ku jirto hagaajinta barnaamijyadeeda tababarka, iyo hubinta inay qalabeyn karto oo ay lacag siin karto askar cusub. ”

    “Muqdisho waa inay sidoo kale sii xoojisaa dadaalkeeda ku aaddan sidii ay dowladaha xubnaha ka ah federaalka ula jaan qaadi lahayd qorshayaasha looga hortagayo Al-Shabaab, iyadoo bogsiinaysa kala-goysyada ka hor istaagaya iskaashiga. Laakiin ismari-waaga goobta dagaalka waa dhibaatada maanta. Xal siyaasadeed oo keliya ayaa joojin kara dagaalkan si kama dambays ah. Dowladda Soomaaliya waa inay hadda dhigtaa saldhig wadahadallo ugu dambeeya oo ay la yeelato Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale yareyneysa dhibaatooyinka rayidka iyadoo dhiirigelinaysa ururada samafalka inay gargaar dheeraad ah gaarsiiyaan dhulka ay Al-Shabaab haysato.”

    https://www.crisisgroup.org/brf/africa/somalia/b212-new-chapter-same-stalemate-somalias-war-al-shabaab

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Muuse Biixi “Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn”

    July 2, 2026

    Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay Shirarka siyaasadeed

    July 2, 2026

    HARGEYSA: Golaha Wasiirada oo meelmariyay heshiiskii Cirro & Netanyahu

    July 1, 2026
    Latest Posts

    Muuse Biixi “Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn”

    Maamulka gobolka Mudug oo mamnuucay Shirarka siyaasadeed

    Hay’adda ICG: DFS & Al-Shabaab isku awood ayay noqdeen.

    HARGEYSA: Golaha Wasiirada oo meelmariyay heshiiskii Cirro & Netanyahu

    Ethiopia’s Declining Influence in Somalia Geopolitics

    Madaxweyne Deni oo si adag ugu jawaabay Xamze “Hadalka Wiilka Xassan waan maqalnay”

    Ciidanka Puntland oo baadi-goobaya Rasaas u badan ‘Qoriga Hoobiyaha’ oo Laascaanood ka degay

    Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Hay’addaha Garsoorka

    US reaffirms Somali sovereignty in blow to Somaliland and Israel

    Wafti wasiiro ah oo gaaray Gaalkacyo, kaddib amarkii Madaxweyne Deni

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.