Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka jawaabay weerar afka ah oo uu habeeno kahor ku qaaday Madaxweynaha xafiiska jooga Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo ahaa in uu kasoo horjeedo ictiraafka Somaliland ka heshay Israa’iil.
Biixi oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in uusan marnaba dhihin intii uu xafiiska joogay, waxaan ictiraaf ka helnay dalalka Itoobiya iyo Guinea. Biixi ayaa intaa ku daray in Somaliland doonayso ictiraaf balse uu ka yimid meel aysan filayn oo uu ula jeedo Israa’iil.
Hoos ka akhriso qoraalka Muuse Biixi.
Madaxweyne cirro ayaa shirkii golaha dhexe ee xisbigiisa weedho iiga soo gubiyay, bal aan in yar ka idhaahdo.
Wuxu madashaa ka sheegay in aan sheegay in laba jeer aan ictiraaf ka soo helay labada dawladood ee kala ah Guinea conakry iyo Ethiopia.
Anigu marnaba ma odhan ictiraaf ayaan dawlad la soo galay.
Arrintaasi been baad sheegtay Odaygii Qaranka lagu odhan maayee, ee wuu ismoodsiyey.
Odaygu wuxuu sheegay in anan kabaha haleelin markii la ii sheegay in la yidhi aqoonsi caalami ah ayaa la helay, waa runtii. Haddaba, markii aan tagay madaxtooyada JSL hadalkii aan ka jeediyayna waa kan:
“Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Arrintu waxay u eegtahay maahmaahdii ahayd “Rag ciil cadaab ka dooray. Ictiraafku waa mudnaanta kowaad ee dalkeena JSL, Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeena khilaaf uga iman.
Maantana intii ayaan leeyahay.” Haddaba, waxa nasiib darro ah in madaxtooyadu ay jarjartay hadalkaygii oo la nuxur tiray. Sido kale, waxa gabi ahaanba meesha laga saaray hadalkii uu madasha ka jeediyay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. Haddaba, gefka yaa galay?
Arrintan sida aad u maamushay aan dul istaago, safarkaagii rasmiga ahaa waxa aad sheegtay in aad Israa’iil hore u booqatay iyada oo laga ilaaliyay shacabka iyo warbaahintaba, waana kow madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland ah oo si qarsoodi ah u safra, marka dambena sheega in uu safaro qarsoodi ah uu galay.
Safarkaagii u dambeeyay ee rasmiga ahaa waxa aad muddo joogtay dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo aad ka dhooftay, halka waftigaagii wasiiraduna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen dalka itoobiya kana dhoofeen.
Madaxwayne maxaa keenay qarsoodiga iyo qaybsanaanta?
IDILNEWS
