Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»HARGEYSA: Golaha Wasiirada oo meelmariyay heshiiskii Cirro & Netanyahu
    Somalia

    HARGEYSA: Golaha Wasiirada oo meelmariyay heshiiskii Cirro & Netanyahu

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 1, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gollaha Wasiirada Somaliland oo yeeshay kulan aan caadi ahayn ayaa meelmariyay heshiiskii Somaliland iyo Israa’iil ay ku gaareen Qudus, kaddib socdaalkii waftiga Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu tagay Israa’iil.

    Shirka Gollaha Wasiirada ayaa Madaxweyne Cirro ka hor akhriyay Baaqa wadajirka ah ee Iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil, iyadoo intaa kaddib la galiyay cod gacan taag ah.

    Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay baaqa heshikska labada dhinac oo taabanaya dhinacyada Amniga, dublamaasiyadda iyo Dhaqaalaha, sida lagu sheegay war-saa xaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.

    “Madaxweynuhu waxa uu iftiimiyey guulaha diblomaasiyadeed, iskaashiga istaraatiijiga ah iyo fursadaha cusub ee safarkaasi u horseeday Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo xoojinaya danaha Qaranka JSL ee Fagaarayaasha Caalamka.”

    “Dhinca kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada JSL hor keenay, isla markaana Golaha si dhammaystiran looga hor akhriyey nuxurka Baaqii Wadajirka ahaa (Joint Declaration) ee ay soo saareen labada Dawladood, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil, kaasi oo ay Golaha Wasiirrada JSL cod gacan taag ah oo aan loo kala hadhin ku meel mariyeen.
    Baaqan isaga ah oo soo baxay 15.06.2026-ka, waxa magaalada Jerusalem si wadajir ah ugu saxeexay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Israa’iil.”

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ethiopia’s Declining Influence in Somalia Geopolitics

    July 1, 2026

    Madaxweyne Deni oo si adag ugu jawaabay Xamze “Hadalka Wiilka Xassan waan maqalnay”

    July 1, 2026

    Ciidanka Puntland oo baadi-goobaya Rasaas u badan ‘Qoriga Hoobiyaha’ oo Laascaanood ka degay

    June 30, 2026
    Latest Posts

    HARGEYSA: Golaha Wasiirada oo meelmariyay heshiiskii Cirro & Netanyahu

    Ethiopia’s Declining Influence in Somalia Geopolitics

    Madaxweyne Deni oo si adag ugu jawaabay Xamze “Hadalka Wiilka Xassan waan maqalnay”

    Ciidanka Puntland oo baadi-goobaya Rasaas u badan ‘Qoriga Hoobiyaha’ oo Laascaanood ka degay

    Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay Hay’addaha Garsoorka

    US reaffirms Somali sovereignty in blow to Somaliland and Israel

    Wafti wasiiro ah oo gaaray Gaalkacyo, kaddib amarkii Madaxweyne Deni

    Booliska Puntland oo war kasoo saaray Amniga Garoowe

    4000 kun oo Askari oo kasoo baxaya dugsiyada Milateriga ee gobollada Puntland

    Maxaa ka jira in Jimcaale ka degay Laascaanood?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.