Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa si adag uga hadlay war maalmo kahor kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha maamulka gabalkiisu dhacay ee Xassan Shiikh.
Xamze Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay dadka Reer Puntland ‘kuwo cuqdadeysan’ oo ka xun dadka Reer Waqooyi (Somaliland). Waxaana uu sheegay in xumaan iyo shisheeye-nimo ay kula dhex jiraan Soomaalida.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hadalka Xamze uusan ahayn aragti isagu qabo, balse uu yahay hadal uu u soo dhiibay odayga uu wiilka u yahay (Xassan Shiikh), isagoo intaa ku daray in farriinta Xassan soo gaartay, ayna fahmayaan.
Siciid Deni ayaa u sheegay Xassan Shiikh dharaaro uu calaacal ku joogay Muqdisho, balse ay u soo gurmatay Puntland, kana soo saartay godkii, isagoo xusay in dhowaan ay Soomaali ka qaban doonaan.
IDILNEWS
