Hay’adda Economist Intelligence Unit (EIU) – ayaa soo saartay warbixin sanadle ah oo ay kusoo bandhigtay Tusmada Tayada Nolosha Magaalooyinka Adduunka ee 2026, iyadoo magaalada Copenhagen ee dalka Denmark u aqoonsatay magaalada ugu nolol wanaagsan adduunka sannadka 2026.
Qiimeyntan waxaa lagu sameeyey 173 magaalo, iyadoo lagu salaynayo shan qodob oo waaweyn:
* Amniga iyo xasilloonida
* Adeegyada caafimaadka
* Waxbarashada
* Kaabeyaasha iyo adeegyada guud
* Dhaqanka iyo deegaanka
10-ka Magaalo ee Ugu Nolol Wanaagsan Adduunka (2026):
1. Copenhagen – Denmark
2. Vienna – Austria
3. Melbourne – Australia
4. Sydney – Australia
5. Zurich – Switzerland
6. Geneva – Switzerland
7. Osaka – Japan
8. Adelaide – Australia
9. Vancouver – Canada
10. Tokyo – Japan
Warbixintu waxay sheegtay in magaalooyinkan ay kaalmaha hore ku galeen heerarkooda sare ee amniga, tayada adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, kaabeyaasha casriga ah, iyo deegaanka oo si weyn u taageera nolol tayo leh.
IDILNEWS
