Dowladda Mareykanka ayaa boggaadisay tallaabada DFS ugu wareejisay Cabdikariim Iidleh oo kamid ah Soomaalida lunsaday boqollaalka Milyan ee dollar, ee ah lacagihii loogu talagalay in lagu taageero danyarta intii lagu guda jiray COVID-19.
Qoraal kasoo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in tan muujinaysa iskaashi Amni iyo wada shaqeyn, taas oo ay rajeynayaan in ay sii xoogeysato.
“Dowladda Mareykanka waxay ka mahadcelineysaa iskaashiga joogtada ah ee hay’adaha sharci fulinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Isku-dubaridka dhowaan wuxuu muujinayaa sida iskaashiga dhow, oo ku saleysan ixtiraamka sharciyada iyo dhaqamada waddan kasta, uu u xoojin karo amniga, u diidi karo gabbaad ammaan ah dambiilayaasha, una caawin karo ilaalinta amniga muwaadiniinta Mareykanka iyo kuwa Soomaaliyeed. Waxaan rajeyneynaa in iskaashigani uu noqdo mid heer sare ah u ah dadaallada mustaqbalka” ayaa lagu yiri qoraalka Safaarada Mareykanka.
Maalmo kahor, ayaa Mareykanka laga dajiyay Cabdikariim Iidleh oo 42 sano jir ah lagana qabtay Muqdisho oo uu ku dhuumaaleysanayay, waxaana la horkeeni doonaa maxkamaddaha Mareykanka si loogula xisaabtamo dhaca Malaayiinta dollar ah ee uu u geystay shacabka Mareykanka.
IDILNEWS
