Wararka ka imaanaya degmada Qabri-bayax ee Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dad ku geeryoodeen Qabri ku dumay oo ay qodayeen.
Qabrigan ayaa la doonayay in Aas wadareed loogu sameeyo 12 qof oo ku geeryooday Shil gaari, oo ka dhacay nawaaxiga degmada Qabri-bayax.
Sidoo kale, Dad ku dhaawacmay qabriga dumay ayaa la dhigay isbitaalka, kuwaas oo xaaladooda lala tacaalayo.
Dhacdadan oo argagax dhalisay ayaa dhacday maanta, waxaana muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada uu muujinaya maydad iyo dhaawac laga soo gurayo qabriga ay qodayeen.
IDILNEWS
