Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in dadka kunool gobolka Sool ay yihiin dad Reer Somaliland, ayna tahay in lagu soo dhaweeyo gacmo furan.
Cirro oo maanta shir-guddoomiyay kulan Gollaha Wasiirada Somaliland, ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay midnimada iyo wadajirka dadka Reer Somaliland. Waxaana uu intaa ku daray in tabasho kasta oo jirta ay tahay in lagu xaliyo wada-hadal iyo is afgarad
“Madaxweynuhu waxa uu xusay in Gobolka Sool uu yahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Somaliland, bulshada reer Soolna ay yihiin walaalo reer Somaliland ah, isaga oo ku baaqay in lagu soo dhaweeyo gacmo furan, tabasho kasta oo jirtana lagu xalliyo wada hadal, is-afgarad, walaaltinimo iyo isku duubni Qaran” ayaa lagu yiri War-saxafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Hadalka Madaxweyne Cirro ayaa imaanaya xilli labo maalin kahor ay caasimadda Somaliland ka degtay Fahiimo Yuusuf Quuje oo ahayd hoggaanka kacdoonkii Beesha Sool Bari ee ka dhanka ahaa Somaliland, kaas oo sabab u noqday in Somaliland laga saaro ciidamadeeda Laascaanood 25 August, 2023.
Sidaas oo kale, xubno muhiim ah oo kasoo jeeda Sool Bari ayaa dib ugu laabtay Somaliland, halka bilaha la filayo in ay u goostaan xubno Sare iyo saraakiil Ciidan oo hada jooga furaha hore ee sarinta Guumeys.
IDILNEWS
