Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya garoonka diyaaradaha Muqdisho, Cali Yuusuf Xoosh, oo ku magacaabnaa Wasiirka Arrimaha maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh iyo Xildhibaan Ifraax Nooleeye ayaa ku dhex dagaallamay gudaha Qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Dagaalka ayaa yimid kaddib markii Cali Xoosh uu erayo gaf ah kula kacay Xildhibaanad Ifraax Nooleeye, kuna tilmaamay “Naag Jirkeeda ka Ganacsata”, oo ka caraysiisay Xildhibaanada.
Xildhibaanad Ifraax Nooleeye ayaa intaa kaddib u jawaabtay Cali Xoosh, waxaana taas keentay in uu Cali Gaab caroodo, kuna tuuro Mobile-kii uu watay Xildhibaanad Ifraax, iyadoo dhankeeda Xildhibaanadu KAB la dhacday Cali.
Xubno kale oo maamulka Xassan Shiikh ah oo ku sugnaa goobta ayaa kala jiiday Cali Xoosh iyo Xildhibaanad Ifraax Nooleeye.
Xildhibaanad Ifraax Nooleeye ayaa maalmaha ku sugnayd caasimadda Puntland ee Garoowe, oo ay kaga qeybgashay Dabaal-degga Xuska 1-da August, waxaana maanta ay dib ugu laabatay Muqdisho. Cali Xoosh oo taas ka careysan ayaana hadallada gafka ah ku bilaabay Xildhibaanada markay isugu soo galeen Qeybta VIP ee garoonka diyaaradaha Muqdisho.
IDILNEWS
