Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Booliska Puntland oo xaqiijiyay la wareegista Xerada ilma Diyaano ee Boosaaso
    Puntland

    Booliska Puntland oo xaqiijiyay la wareegista Xerada ilma Diyaano ee Boosaaso

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 6, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Booliska Dowladda Puntland ayaa lagu sheegay in Ciidanka Amniga Puntland ay si nabad ah ula wareegeen Xerada maleeshiyaadka ilma Diyaano ee magaalada Boosaaso.

    Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Booliska Puntland.
    WAR-SAXAAFADEED

    Boosaaso, Agoosto 06, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay taliskii iyo xaruntii ay deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo si sharci-darro ah isu ekeeysiiyay ciidamada amniga, kuwaas oo hore loogu yiqiin PSF, taas oo si buuxda ugu jirtaa gacanta Dawladda, waxaana la xaqiijiyey amnigeeda iyo maamulkeeda.

    Hawlgalkan wuxuu daba socdaa hawlgal amni oo qorshaysnaa oo shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta Puntland.

    Intii uu socday hawlgalkii Gaalkacyo, Ciidanka Difaaca Puntland waxay gacanta ku dhigeen 101 eedeysane, halka sidoo kale la qabtay 60 qof oo dhaawac ah. Waxaa intaa dheer in lala wareegay hub, rasaas, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo qalab kale oo ay ku jiraan agab ka mid ahaa deeqihii Dowladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

    Ciidanka Difaaca Puntland waxay caddeynayaan in dhammaan hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan Dastuurka iyo shuruucda dalka, iyadoo ujeeddadu tahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka, xoojinta hay’adaha dawladda iyo dhaqangelinta sarreynta sharciga.

    Ciidanka Difaaca Puntland waxay ugu baaqayaan dhammaan kooxaha hubaysan iyo shaqsiyaadka weli ku sugan deegaannada kala duwan inay isku soo dhiibaan Dawladda Puntland, kana faa’iidaystaan fursadda ay ugu soo laaban karaan nidaamka sharciga. Waxaa sidoo kale digniin adag loo dirayaa cid kasta oo gabaad, taageero ama kaalmo siisa kooxaha firxadka ah, maadaama lagula xisaabtami doono si waafaqsan sharciga.

    Ciidanka Difaaca Puntland waxay mar kale ku celinayaan in cid kasta oo diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay’adaha amniga laga qaadi doono tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, iyadoo la sii wadi doono hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta guud dalka.

    Ciidanka Difaaca Puntland waxay shacabka ugu baaqayaan inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta kooxaha ama shaqsiyaadka ku lug leh falalka amni-darrada ah iyagoo wacaya lambarka gaaban ee 999. Dawladda Puntland waxay dammaanad qaadaysaa ilaalinta sirta iyo badbaadada cid kasta oo bixisa xog lagu sugayo amniga.

    – DHAMMAAD –

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    GAALKACYO: Beesha Leelkase oo go’aan ka gaartay maleeshiyaadka Xerada Istanbul

    August 6, 2026

    Puntland oo dambiyo kusoo oogaysa siyaasiyiinta iyo saraakiisha abaabulay falalka Amni darro

    August 6, 2026

    Puntland forces seize military compound after clashes with federal troops

    August 6, 2026
    Latest Posts

    GAALKACYO: Beesha Leelkase oo go’aan ka gaartay maleeshiyaadka Xerada Istanbul

    Puntland oo dambiyo kusoo oogaysa siyaasiyiinta iyo saraakiisha abaabulay falalka Amni darro

    Puntland Forces Seized FGS infiltrated Camp in Galcaio, Puntland – Somalia

    Puntland forces seize military compound after clashes with federal troops

    Booliska Puntland oo xaqiijiyay la wareegista Xerada ilma Diyaano ee Boosaaso

    BOOSAASO: Cabdulaahi Diyaano iyo maleeshiyaadka la jooga oo is dhiibis dalbaday

    Cali Xoosh iyo Xildhibaanad Ifraax Nooleeye oo lagu kala jiiday garoonka Muqdisho

    Akhriso: Puntland oo qabatay Hub Dowladda Chine ugu deeqday DFS

    Booliska Puntland oo war kasoo saaray howlgalka lagula wareegay Xerada ilma Diyaano

    WAR DEG DEG AH: Maxamuud Diyaano iyo maleeshiyaadkiisa oo isku dhiibaya Ciidanka Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.