Kulan u dhexeeyay Xubno katirsan Dowladda Puntland, Nabaddoono, Waxgaradka iyo horjoogayaasha hoggaaminayay maleeshiyaadka Beesha Leelkase ee ku jiray Xero Istaanbuul oo ka socday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug- ayaa soo idlaaday, kaddib saacado wada-hadal ah.
Inta kulanku socday ayaa diirada lagu saaray in maleeshiyaadka kasoo jeeda Beesha Leelkase, ay ku biiraan Ciidanka Dowladda Puntland, kuwa diidana ay kala aadaan guryahooda, inta aysan dhammaan 48 saac ee uu Madaxweynaha Puntland, Said Abdullahi Deni u qabtay maleeshiyaadka sheegta in ay yihiin Ciidamo Federaal ee jooga deegaanada Puntland.
Ugaaska Guud ee Beesha Tanade, Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed ayaa faray horjoogayaasha maleeshiyaadka Beesha inay ku biiraan Ciidanka Dowladda Puntland ee diiwaangelintoodu socoto, ama ay hubka xareystaan, kala aadaana guryahooda. Waxaana uu sheegay in Beesha Tanade ay kamid tahay Beelaha Puntland, ayna u hoggaansan yihiin Dowladda Puntland.
Kulanka ayaa kusoo idlaaday is afgarad, iyo in maleeshiyaadka doonaya Ciidanka Dowladda Puntland ay is diiwaangeliyaan, kuwa diidana hubka dhigaan. Dowladda Puntland ayaa kordhisay dhankeeda waqtiga diiwaangelinta maleeshiyaadka oo 3 maalmood ee u dambeysay ka socotay gobolka Mudug.
IDILNEWS
