Laamaha Amniga Puntland ayaa howlgallo ka wada magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada hoostaga, kuwaas oo lagu xaqiijinayo Ammaanka, loogana hortagayo falal Amni-darro oo ka dhaca magaalada iyo nawaaxigeeda.
Howlgallada ayaa yimid kaddib markii la helay xog la xiriirta in Madaxweynaha maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Muqdisho, Hassan Sheikh Mohamud uu imaanayo Koonfurta Gaalkacyo axada maanta, si uu abaabulo falal lidi ku Amniga iyo xasiloonida gobolka Mudug, una abuuro isku dhacyo colaadeed oo ka dhaca Gaalkacyo iyo deegaanada hoostaga.
Sida aan ogaanay Hay’addaha Amniga Puntland ayaa helay xog rasmi ah, oo muujinaysa qorshe halis ah oo ku wajahan Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee dhaca gobolka Mudug, kuwaas oo isugu jira abuurista colaado ka dhex dhaca bulshada kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, iyo in xubno kasoo jeeda Puntland, lasoo galiyo Gaalkacyo ayna abaabulaan falal Amni-darro, iyadoo la marayo maleeshiyaad la siiyo dhaqaale kooban.
Dhammaan isku dayada ayaa Dowladda Puntland ka diyaar-garowday, waxaana heegan Sare la galiyay Talisyada ciidamada Booliska iyo Daraawiishta, si degdeg looga jawaabo dhacdo kasta oo Amniga lidi ku ah kana tilmaada dhanka Xassan Shiikh iyo kooxdiisa.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni oo ku sugan Gaalkacyo ayaa habeenimadii xalay la kulmay saraakiisha Amniga ee gobolka Mudug ka howlgalla, waxaana is xogwareysi dheer kaddib, uu Madaxweynuhu Amar ku siiyay in ay ka hortagaan halisyada amni ee kasoo foogan Koonfurta, lana kordhiyo howlgallada, iyadoo wada shaqeyn dhow lala yeelanayo xubnaha abaabulan ee kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo, ee isku xilqaamay ka hortaga hurinta colaadeed ee Xassan Shiikh.
IDILNEWS
