Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa todobaadkan tababar u soo xiraya in kabadan labo kun oo askari oo cusub, oo kamid noqonaya Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta Dowladda Puntland.
Ciidamada ayaa bilihii u dambeeyay ku jiray dugsiyada tababarka ee Gen. Giriin, Badhan, Kulliyada Booliska Carmo iyo Xorgoble oo Qardho ah, waxaana hadda socota diyaarinta munaasabadda xiritaanka tababarka Ciidamada cusub.
Ciidanka cusub ayaa u badan dhallinyaro ka qalinjabisay Jaamacaddaha, oo ku biiray Ciidanka Booliska iyo Daraawiishta.
Madaxweyne Deni oo shalay ka degay Boosaaso, kaddib safar qaatay todobaadyo oo ku marayay gobolka Mudug – ayaa todobaadkan isku mari doona magaalooyinka Badhan, Carmo iyo Qardho, oo kala tirsan gobollada Bari, Sanaag iyo Karkaar.
Madaxweynaha munaasabaddaha ka jeedin doono hadallo kala duwan oo si weyn ay dhagta ugu taagayaan shacabka Puntland, isagoo ku dhawaaqaya howlgal weyn oo ku wajahan cadowga Dowladda Puntland.
IDILNEWS
