Ciidamo katirsan Daraawiishta Puntland ayaa loo daabulay deegaanka Garacad, si loo beegsado kooxo abaabulan oo Burcad-badeed ah ayna maalgelinayaan maamulka Hassan Sheikh iyo dowladdo shisheeye oo Turkey kamid yahay.
Maalmo kahor, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa kaga dhawaaqay deegaanka Garacad howlgal ballaaran oo ka dhan ah kooxaha Burcad-badeeda ah, waxaana uu sheegay in deegaanka laga sameyn doono saldhig Ciidan, lana keeni doono.
Ciidamada cusub ee gaaray Garacad ayaa la sheegay in ay hordhac u yihiin Ciidamo kale oo maalmaha soo socda la geyn doono Garacad iyo deegaanada xeebaha ah ee ku dhow, kuwaas oo isugu jira Booliska gaarka ah iyo Ciidanka Badda Puntland ee PMPF.
Dowladda Puntland ayaa qorsheynaysa howlgal saf ballaaran ah oo ka dhan Burcad-badeeda, afduubka ka wada xeebaha ku dhow Puntland, waxaana ay si adag uga hortimid in madax furasho la siiyo kooxahan.
IDILNEWS
