Wafti Sare oo ka socda Dowladda Mareykanka ayaa maanta ka deggaya magaalada Boosaaso, kuwaas oo isugu jira dublamayaasiyiin iyo saraakiil ka socda Taliska AFRICOM.
Xubnaha ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni, iyagoo ka wada-hadli doono xoojinta iskaashiga Amni ee Puntland iyo Mareykanka.
IdilNewa ayaa ogaatay in kulanka si gaar ah diirada loogu saari doono dadajinta dhismaha saldhiga Mareykanka ee Boosaaso iyo dhismaha Ciidamo Kumaandoos ah oo kamid ah Daraawiishta Puntland, kuwaas oo la howlgali doona Ciidamada Mareykanka ee degi doona Boosaaso, fulina doona howlgallada gaarka ah ee lagu beegsanayo argagaxisada.
Mareykanka ayaa aad u doonaya in iskaashi dhow oo uu la yeesho Dowladda Puntland, maadama mandiqada istiraatiijiga ah ay muujisay isku filnaansho amni iyo in si dhameystiran marar is xiga u jabisay cadowgeeda, sida argagaxisada Daacish iyo Al-Shabaab oo duullaano kusoo qaaday deegaanka, balse guuldarro kala kulmay.
Madaxweyne Deni oo sabtidii soo gaaray Boosaaso, ayaa dadaal badan gelinaya in Sare loo qaado xiriirka Puntland la leedahay Saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan Mareykanka, Ingariiska, Itoobiya iyo Imaaraatka Carabta, kuwaas oo doorar kala duwan ku lahaa taageerada Howlgalka ciribtirka argagaxisada Daacish ee Hillaac oo ay Puntland ka fulisay buuraleyda Calmiskaad, laguna jebiyay argagaxisada.
IDILNEWS
