Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo uu hogaaminaayo Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Africa, Colonel James Rose .
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta Dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga badaha.
Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay dardargelinta dhismaha saldhigga Maraykanka ee magaalada Boosaaso, Iskaashiga hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Daacish iyo Alshabaab ee ku dhuumalaysanaysa buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadow, la-dagaalanka burcad-badeedda, iyo horumarinta tababarrada Ciidamada Difaaca Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa kulanka kala qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, La-taliyeyaal Madaxweyne, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland iyo Saraakiil ciidan.
IDILNEWS
