Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.
    Puntland

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 2, 2026No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta shir-guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Bari, kaas oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland ee ku sugan Gobolka Bari, gaar ahaan xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada, saraakiisha ciidamada iyo hay’adaha amniga, Maamulka Gobolka Bari, Maamulka Degmada Boosaaso iyo masuuliyiin kale.

    Shirka ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda amniga Gobolka Bari, gaar ahaan xoojinta hawlgallada ka dhanka ah Argagixisada, xakamaynta hubka sharci darada ah, la dagaalkanka burcad Badeeda iyo tahribka, ka hortagga isku dhaca iyo colaadaha beelaha, horumarinta ganacsiga iyo maalgashiga, horumarinta bilicda, nadaafadda iyo banneynta waddooyinka xiran ee magaalada Bosaso. Sidoo kale, Shirka waxaa looga hadlay kor u qaadista ilaha dakhliga Dowladda, la dagaallanka maandooriyaha, ilaalinta tayada daawooyinka iyo raashinka, iyo arrimaha dhul daaqsimeedka iyo deegaameynta.
    Shirka waxaa ka soo baxay go’aanada soo socda:

    1. ARRIMAHA AMNIGA IYO XAKAMAYNTA HUBKA.
    1. Waxaa la adkeeyey mamnuucista in hub sharci darro ah lagu qaato ama lagu dhex wato magaalooyinka Puntland.
    2. Dowladda Puntland waxay la wareegaysaa hub kasta oo sharci darro ah oo la qabto, waxaana hay’adaha amniga iyo caddaaladda lagu amray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci darro ah gudaha deegaanada Puntland.
    3. Waxaa la joojiyey in gudaha Puntland la soo geliyo gaadiid loo isticmaali karo in lagu xiro hub ama agab ciidan. Gaadiidkaas waxaa lagu keeni karaa oo kaliya in ogolaansho laga helo Taliska Ciidanka, uuna saxiixo Madaxweynaha Dowladda Puntland. Hay’adaha amnigu waxay amar buuxa u qabaan in ay la wareegaan wixii gaadiid ciidan oo sifo sharci darro ah ku soo gala gudaha Puntland.
    4. Waxaa hay’adaha amniga iyo caddaaladda la faray in ay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo ka shaqeynaysa hurinta ama ka qayb qaadata abaabulka colaad beeleedyada.
    5. Shirku wuxuu go’aamiyey in la dardargeliyo la dagaalanka Kooxaha Argagixisada ah guud ahaan deegaanada Puntland.
    6. Hay’adaha amniga waxaa la faray in ay ka hortagaan soo gelinta, iibinta iyo isticmaalka noocyada daroogada iyo khamriga.
    7. Shirku wuxuu adkeeyey muhiimadda ay leedahay sugidda amniga badaha iyo ilaalinta xeebaha Puntland. Sidaa darteed, waxaa hay’adaha amniga la faray inay si buuxda u fuliyaan go’aannada Dowladda Puntland ee la-dagaallanka burcad-badeedda iyo tahriibka, isla markaana ay xoojiyaan tallaabooyinka looga hortagayo falalkaas sharci-darrada ah.
    8. iyadoo la faray hay’adaha amniga inay la dagaalaman cidkasta oo ku lug leh falalka burcad badeednimo.
    9. Waxaa la mamnuucay in askari aan ku jirin hawlgal rasmi ah uu hub la dhex maro magaalooyinka gudahooda.
    10. Hay’adaha amnigu waxay tillaabo sharciga waafaqsan ka qaadayaan, lana wareegayaan wixii hub ah ee loo isticmaalo dagaal beeleedyada iyo ciddii ka qayb qaadata dagaalada beelaha dhexdooda ah.
    11. HORUMARINTA GANACSIGA IYO KOR U QAADISTA DAKHLIGA.
    1. Waxaa la dardargelinayaa kor u qaadista dakhliga Dowladda, gaar ahaan ilaha dakhliga ee xeebaha iyo marsooyinka.
    2. Waxaa la qabanayaa Shirweynaha Maalgashiga iyo Ganacsiga Puntland, si loo dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo kan dibadda.
    3. Waxaa la hawlgelinayaa Hay’adda Tayo dhowrka, waxaana tallaabo sharci ah laga qaadi doonaa cid kasta oo ka ganacsata daawooyin ama raashin aan tayadooda la hubin.
    4. DIB-U-HABAYNTA BILICDA IYO QORSHAHA MAGAALADA BOSASO.
    5. Waxaa la hirgelinayaa qorshaha banaynta waddooyinka iyo horumarinta bilicda magaalada, iyadoo la raacayo qorshaha iyo naqshadda horumarinta magaalada (Master plan) ee ay soo gudbisay maamulka Degmada Bosaso.
    6. DHUL DAAQSIMEEDKA IYO DEEGAAMAYNTA CUSUB.
    1. Waxaa la mamnuucay hirgelinta deegaamayn cusub oo aan waafaqsanayn qorshaha iyo shuruucda Dowladda.
    2. Hay’adaha amniga iyo kuwa ay khusayso waxaa lagu amray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo si sharci darro ah u xiratay ama u qabsatay dhul daaqsimeed, ama abuureysa deegaanno cusub oo aan haysan oggolaansho sharci ah.

    Shirka ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo dhaqan geliyo dhammaan go’aannada kasoo baxay, iyadoo hay’adaha ay khusayso laga doonayo inay si deg deg ah u qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah hirgelinta go’aanadaan.

    — DHAMMAAD —
    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADDA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    September 2, 2026

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    September 1, 2026

    Madaxweyne Deni oo magacaabaya Agaasimayaal Guud

    September 1, 2026
    Latest Posts

    Maraykanka oo weeraro ku ekeeyay Ilaalada Kacaanka Iran

    Puntland:- Go’aano kasoo baxay Shirka Amniga Gobola Bari.

    MUDUG: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Gaalkacyo?

    Madaxweyne Deni oo magacaabaya Agaasimayaal Guud

    Madaxweyne Cirro oo booqanaya Mareykanka & dadaalka uu wado Xassan Shiikh

    Puntland is a territory the U.S. has specifically earmarked with in Somalia.

    Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Deni iyo saraakiisha Mareykanka ah?

    BOOSAASO: Puntland iyo Mareykanka oo labo arrimood ka wada-hadlaya

    Ciidamo cusub oo la geeyay Garacad, kaddib go’aankii Madaxweyne Deni

    Puntland Gains Western Policy Advantages

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.