Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas Oo door muuqda ka dhex qaatay shirka wadatashiga Ee madaxda Somalida
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas Oo door muuqda ka dhex qaatay shirka wadatashiga Ee madaxda Somalida

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 31, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa caawa fiidnimadii 30 October 2017 ka qayb galay shirkii wada tashiga DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS  ee Muqdisho uga socdey oo si rasmi ah u Furmay.

    Shirkani oo ka furmay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Madaxweynaha DFS Mudane. Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka DFS, Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Aqalka Sare, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, iyo Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo  Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dawladdaha xubnaha ka ah DFS.

    Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin dagaalka ka dhanka ahAl-Shabaab,dib u eegista Dastuurka, dardargelinta hanaanka Federaalka, daadajinta hannaanka ka faa’iidaysiga Khayraadka iyo mashaariicda horumarineed ee dalka ayaa waxaa loo xil saaray guddi isku dhaf ah oo ka kala socda Dowladda Dhexe iyo dowladdaha xubnaha ka ah DFS.

     

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr, Cabdiwali  Maxamed Cali Gaas oo shirka furitaankiisa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay ayaa sheegay in  shirkaan la isugu yimid uu yahay  sidii baahida iyo dhibta jirta  tashi looga yeelan lahaa, taasoo guul u horseedaysa shacabka Soomaliyeed, waxaana uu Madaxweynuhu tilmaamay in arintani ay muujinayso sida nidaamka faderaalku dalka uga hirgalay.

    Madaxweynaha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay  in dalku amni iyo xasilooni uu helo, waxaana  uu xusay Madaxweynuhu  in  rajo wanaagsan ay muuqanayso marka loo eego halka laga soo hayaamay bur-burkii kadib, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu shacabka Soomaliyeed uga tacsiyeyey dadkii ku wax yeeloobey qaraxyadii kala danbeeyey ee shacabka Soomaaliyeed lagu dhibaateeyey 14 October  iyo  28 October 2017, waxaana uu intii ku dhaawacantayna Eebbe uga baryey inuu u boogadhayo, intii ku dhimatayna u naxariisto, samir iyo iimaana Alle inaga siiyo.

    Sidoo kale Madaxweynaha oo kahadlaya muhiimadda uu leeyahay amaanku ayaa tilmaamay in amnigu yahay waxa keliya ee Soomaaliya maanta u baahan tahay.

    “Waalidu waxa weeye wixii aad samayn jirtey inaad weligaa samayso haddana aad rajayso maxsuulkii kuusoo bixijirey wax kaduwan, waxaan u baahannahay amniga qaabkii aan u samayn jirney haddii uu illaa hadda wax tari waayey war amniga aan dib u eegno maxaa qaldan?, maxaan sixi karnaa aan is weydiino”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

    ” Madaxweyne marka waxa loo baahan yahay maadaamaan isu wada nimid waxayaabo yaryar in aan dul istaagno waxaa ugu horeeya dalkani wuxuu u baahan yahay xasilooni siyaasadeed, taas oo ku imanaysa wada tashi, isu imatin iyo inay muuqato wada jir cadawgan inaan mid ka nahay, waxaan u baahan-nahay Madaxweyne arrimaha masiiriga ah oo ay ugu horayso dastuurka, xasilintii dalka, fadaraalayntii dalka iyo xorayntii dalka, shuruucda dalka lagu dhiqi doono waa in wax laga waydiiyaa dadka lagu dhiqidoono” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa ku booriyey DFS in ladaradar geliyo ka shaqaysiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka DFS, kuwaas oo si toos ah u metela dawladdaha xubnaha ka ah DFS, isl mar’ahantaana waxa uu Madaxweynuhu sheegay inu shirkanu u rajaynayo mid Soomaali oo dhan guul usoo hooya kuna soo gebagebooba maxsuul wanaagsan,hoos ak daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/jLYI58_W-ms

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.