Turkigu Somaliya Bishii,wuxuu ka qaadaa ku dhawaad Sadex Boqol oo Milyan oo Dollar,halka Maraykanka iyo reer Yurub ay soo galiyaan ku dhawaad $ Hal Bilyan oo Dolar.
Maamulida Dekeda iyo garoonka Muqdisho ma’ahan wax muhiim u ah Somalid oo,waa ku filan tahay Somalidu maamulida garoomo iyo Dekedo,waxaana tusaale loosoo qaadan karaa PL iyo SL.
Shidaal qodista waxba lagama sheegi karo xilligan oo waa Gacan uur ku jirta oo aan waxba ka cadaan weli.
Booqashadii Xamar ee Erdogan iyo Qoyskiisii xilligii adkaa ma noqon karto abaal wax walba gooya.
Turkigu markii ugu horaysay,wuxuu kusoo galay Somaliya gargaar bini’aadantinimo.
Ujeedka uu ka duulayay,wuxuu ahaa isku muujin in uu yahay awooda caalamka Islaamka.
Kadib,wuxuu arkay Wadan dayacan oo dihin,wuxuuna uleexday ganacsi,isagoo ilaalsaday danihiisa ganacsi.
Xasan Shiikh,ayuu ka dhex arkay in ay danihiisa ganacsi ku dhex jiraan oo si indho la’aan ah ugu taageeray mudo dhaaf iyo ku tumasho Dastuur.
Halkaas ayay wax ka qalloocdeen oo Turkigu qayb uga noqday xaalada Somaliya si maxalli ah.
Dad badan,ayaa qaba in Turkigu markii horaba isqarinayay oo ku dhex dhuumanayay Gargaarka bini’aadantinimo iyo Islaanimo ee hadafkiisii horaba ahaa Lacag raadin.
Haatan,waxaa muuqata isqaawinta Turkigu isku qaawiyay Lacag raadintaas in fashil ugaga soo laabtay….
1. Gudaha,waxaa looga arkay Turkiga danayste aan waxba xeerinayn oo gumayste ah,waxa kaliya ee uu rabana ay tahay Lacag.
2. Dibada,waxaa looga arkay in uu culays kusoo siyaadiyay Somalidii markii horaba culaysku haystay.
Waxaa abuurmay nacayb,ka fogaansho,shaki iyo wal wal laga qaaday Turkiga oo ka imaanaya qaybaha ay ka kooban tahay Bulshada Somaliyed oo idil.
Fashilka Turkiga ka qabsaday Somaliya 15-Sano kadib oo uu isku muujinayay gargaare Islaamiya oo aan dan gaar ah lahayn ,waxaa lagu soo koobi karaa Laba qodob oo kala ah…..
1. Wada hadalada siyaasada?
Si khaldan,ayuu udhexgalay,waxaana sababay khibrad yari iyo xog yari.
Wax baaris la’aantaas,waxay keentay,sagoon udiyaarsanayn in uu dhexgalo siyaasada Somalida oo dhexdhexaadin bilaabo,kadibna si fudud ugu ceeboobo.
2. La dirirka DG?
Qaar,ayuu la saftay,halka qaarna uu la si cad ula diriray.
Hir-shabelle,Galmudug iyo maamulka Gobolka Banaadir,waa xanbaartay.
PL,JL iyo KG,waa la diriray si qaawan.
KG,wuxuu ku galbiyay Xasan Shiikh F-16,wuxuuna qayb ka qaatay burburintii Maamulkii sharciga ahaa.
JL,waa weeraray,wuxuuna qayb ka noqday qorshayaasha Xasan ee lagula dirirayo JL.
PL,wuxuu ku sameeyay xadgudubyo,wuxuu geliyay geeska,waxay isku khikaafeen sida uu ula diriray Burcad Badeeda iyo heshiiska Kalluumaysi uu Xasan la galay.
Isku soo duub…..
Siyaasada salkeedu yahay Lacag raadinta ee Turkigu ku wajahayo Somaliya,waxay la khatar tahay mida argagixisadu ka rabto Somaliya,haduusan dib ugaga dagin.
W/Q: Jibriil Qoobey
IDILNEWS
