Devin Kennington, ayaa loo magacaabay in uu noqdo Danjiraha cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.
Danjire Devin ayaa kasoo jeeda gobolka California, waxaana uu kamid noqday Safiiro badan oo xalay magacaabay Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ka shaqeyn doona danaha Mareykanka.
Devin Kennington ayaa ah dublamaasi muddo ka shaqeynayay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka, waxaana uu si gaar ah aqoon ugu leeyahay Arrimaha Barriga iyo bartamaha Africa. Danjire Devin ayaa beddelaya Richard Riley. Waxaana magacaabistiisa la horgeeyn doonaa Senate-ka Mareykanka, si ay u ansixiyaan kahor inta uusan si rasmi ah xilka u qaban.
IDILNEWS
