In kabadan 100 qof oo isugu jira masuuliyiin xilal haya, Isimo dhaqan, siyaasiyiin, cilmi-baarayaal, aqoonyahano iyo haldoor kale oo Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha 4-aad ee Nabadda ee PDRC oo berri ka furmi doona caasimadda Puntland ee Garoowe.
Shirweynaha oo socon doona 3 maalmood ayaa sanadkan diiradda lagu saarayo mowduuca “Nuglaanta, Dhismaha Dowladnimada & Nabadeynta Soomaaliya”.
Inta Shirweynaha uu socda ayaa waxaa ka qeyb noqon doona martidiisa Wakiillo iyo dublamayaasiyiin ka socda Safaarada dalalka taageera dowlad dhiska Soomaaliya, kuwaas oo qaarkood qeyb ka yihiin maalgaliyayaasha Shirka.
PDRC oo ah xarunta horumarinta iyo Cilmi-baarista Puntland, ayaa ah Hay’adda Cilmi-baariseed ee ugu faca weyn Soomaaliya. Dowladda Puntland ayaa qabashada shirweynaha ku leh door.
Martida ka qeybagalaysa oo helay casuumaada PDRC ayaa si weyn u gorfeyn doona caqabadaha ku hor gudban dhismaha Dowladnimada Soomaaliya, iyadoo gabagabada laga soo saari doono bayaan ku wajahan xaalka Soomaaliya.
IDILNEWS
