Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Akhriso: Puntland oo war kasoo saartay maleeshiyaad soo galay xaduudkeeda, oo la qabtay
    Puntland

    Akhriso: Puntland oo war kasoo saartay maleeshiyaad soo galay xaduudkeeda, oo la qabtay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 21, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    War-saxafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in baaris lagu sameeyay maleeshiyaadka saaka lagu qabtay kantaroolka waqooyi ee Gaalkacyo, iyo is dhaafsi xogeed oo dhexmaray Puntland iyo Galmudug kaddib kasii daayay maleeshiyaadka iyo gaadiidkii ay wateen.

    Hoos ka akhriso War-saxafadeedka kasoo baxay Booliska Puntland.

    WAR-SAXAAFADEED

    Gaalkacyo: September 21, 2026: Ciidanka Booliska Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ku qabtay koox hubeysan oo ka soo gudubtay xuduudka, kuwaas oo lagu qabtay Koontaroolka Koonfureed ee magaalada.

    Kadib qabashada, kooxdaha waxaa loo gudbiyay hay’adaha baarista ee CID-da Puntland, si loo xaqiijiyo xogta la xiriirta aqoonsigooda, xaaladdooda iyo sababta ay gudaha Puntland u soo galeen.

    Arrintan waxaa si wadajir ah uga wada hadlay saraakiisha hay’adaha amniga ee Puntland iyo Galmudug, iyadoo la sameeyay is-dhaafsi xogeed iyo wada-shaqeyn ku saabsan xaqiijinta dhacdada iyo ilaalinta xasilloonida dalka.

    Kadib dhammaystirka baaritaanka iyo xaqiijinta xogta la xiriirta dhacdada, kooxihii la qabtay waa la sii daayay.

    Dawladda Puntland waxay adkeynaysaa in hay’adaha amnigu ay si joogto ah u gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga iyo sharci ee ku aaddan ilaalinta amniga, sugidda xuduudaha, ka hortagga falalka amni-darrada iyo dhowrista nabadgelyada shacabka.

    Dawladda Puntland waxay sidoo kale ku boorrinaysaa bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta xaalad amni oo khatar gelin karta nabadda iyo xasilloonida bulshada.

    – DHAMMAAD –

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    DEGDEG: Puntland oo qabatay maleeshiyaad loo wadday Xananbuure

    September 21, 2026

    Shirweynaha PDRC: Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo caawa ku hoyanaya Garoowe

    September 20, 2026

    Puntland oo bilowday howlgal lagula dagaalamayo Burcad-badeeda

    September 20, 2026
    Latest Posts

    Akhriso: Puntland oo war kasoo saartay maleeshiyaad soo galay xaduudkeeda, oo la qabtay

    DEGDEG: Puntland oo qabatay maleeshiyaad loo wadday Xananbuure

    Shirweynaha PDRC: Siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo caawa ku hoyanaya Garoowe

    Puntland oo bilowday howlgal lagula dagaalamayo Burcad-badeeda

    UPDATE: Cutubyo kamid ah Ciidanka Puntland oo lagu daabulay Calmadow

    Turkey oo Muqdisho kasoo dajiyay Soomaali uu soo tarxiilay

    Maxaan ka naqaan Safiirka cusub ee Trump u soo magacaabay Soomaaliya?

    𝐀𝐑𝐓𝐈𝐂𝐋𝐄| The Heaven of the Earth: A Journey Beyond the Horizon into the Spirit of Ras Caseyr

    Xaawo Aadan Camey oo geeryootay

    FAALLO: Ganacsiga Turkiga oo xaalka Somaliya sii cakiray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.