Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»KHERYRISM THEORY:-“Adiga oo aan DAYNIILE ka soo cashayn karin, ayaad u khudbaynaysaa sidii Istalinkii Ruushka”
    Somalia

    KHERYRISM THEORY:-“Adiga oo aan DAYNIILE ka soo cashayn karin, ayaad u khudbaynaysaa sidii Istalinkii Ruushka”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 31, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    “Wiil ka dhashay qoys sabool ah oo ka soo jeeda gobalka Joorjiya, yaraantiisii bukaan-socod ahaa, shil daran mar galay oo gacan ka naafoobay, markii uu dhaqdhaqaaqyada siyaasadda u soo hanqaltaagayna xabsiyo, musaafurin iyo cadaadisyo badan la kulmay; haddii uu hoggaamiyey mid ka kida awoodihii jiray markaas waa Midowgii soveitiye, kana tagay aragti siyaasaddeed oo kadib kiis la diwaan galiyey, Stalinisim, maxaa diidaya in Kheyre ka tago fikrad siyaasaddeed oo gadashiis shaqeysa looguna magac daro Kheyrisim”.

    Waan kugu raacsanahay, Haddii sida aad hadalka ku billowday aad ula jeeddo in wiil aan Dayniile u qada tagi karin, uu inta habeenkii CNN daawado kadibna socodka, codka iyo muuqaalka Obama iska raadiyo uu inta saxaafadda u yeerto uu faraha taag taago, taasi waa noqon kartaa waxaan Kheyre kusoo xasuusano.

    Markaad madax u tahay dalyar, faqri ah, inta aad xukuntaana ay ka yartahay 10% ay ku noolyihiin 2milyan, ee inta masiibo ku dhacdo ay ka dhimato ku dhawaad 400 oo qof halmaalin, aad inta dhiiga, dhimashada iyo dhaawaca dhex istaagto aad isku wareejiso afar wiil oo Camera kula daba oroda aad leedahay damiirka aad sawir isugu dhigi karto ama inta gacmaha galoofis gashato sidii madaxda ICRC oo daarfur uu jooga sawirro ay lacago kusoo aruursadaan, aad bukaan shoogsan midba mar isku dul sawiri karto, Haa taasina waa noqon kartaa waxaan Kheyre looga horreyn.

    Qarnigii 21-aad, 2017 waqtiyadii dunidu ugu casrisaneyd, ugu fowda badnayd, waxkasta la isku hayto, hubka la isku adeegsanayaa yahay warbaahin, Internet, Cilmibaaris iyo fikrad, aadna madax u tahay dalka ay isku haystaan waxa dhammaan dunida awood jira haddey tahay Turkey, Carabeyn, Shiceyn, America, China, dalalkii yaryaraa oo soo koraya misana kugu soo ballaaranaya sida Ethopia, dalkiisiina usii kala furfurmayo dowlado hoose, ninka inta tuute iyo badeel qaatay raba inuu qashin ka xaaqo meel u jirta madaxtooyada 20km, isagoo ay daba socoto 5 baabur oo Bullet buruuf ah, oo laba ka mida ay saaran yihiin Cameroyiyin sidii in la duubayo qeyb ka mida Filim Hollywood kasoo bixi doona.

    Ninka saaxibkiisa koowad iyo ehelkiisu yahay qofkii u nacamleeya, qof aan xaggee u socotaa dhihi karin, golihiisa wasiiradana ka dhigay Soomaali intii ugu liidatay si aysan su’aal u galin hab dhaqan kiisa iyo go’aan kiisa, nin raba inuu xilligaan keligi talisnimo tijaabiyo iyo in loo guul wadeeyo, sidaas darteedna sameystay dhallinyaro baraha bulshada uga abuura 100 page oo lagu xardhay sawiradiisa, magaciisa iyo muuqaallo xayeysiis ah, taasina waa noqon kartaa aragtida uu Kheyre kusoo kordhiyey siyaasadda Soomaaliya.

    3 sano ee uu siyaasadda Soomaaliya ka war hayey ninka dillaal u ahaa Xasan Sheekh, guddiyada doorashooyinka, xildhiibanada, maamul gobolleedyada iyo Xasan Sheekh ninkii intaas u kala dab qaadayey ee ugu dambeyna isla isagii qiyaamay ayaa markii la magacaabay lasoo booday musuq-maasuq waa u dhammaatay sidii in cidda uu la hadlayaa tahay keliya gabadha Xingalool BBC ka dhageysata, haba yiraahdee misana ku celcelinaya, haddana 7 bil ee uu xilka hayo ninka aan maalina dhihin waxaan xilka ka qaadnay hebel ama xirnay musuq dartiis, ee weli ballan qaad uun lasoo taagan iyo maalin walba dhihidda erayo fiican iyo booqashada Takadda iyo Airportka, intaas oo la isku daray waan u bixin lahaa Kheyrisim Theory.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.