Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada qalabka sida ee Puntland, G/Sare Maxamuud Cabdulqaadir Xassan ayaa uga digay Askarta kamidka ah ciidamada kala duwan ee Dowladda dhibaateynta shacabka Puntland.
G/Sare Maxamuud Cabdiqadir Xasan ayaa sheegay in ay soo gaareen cabashooyin ka imaanaya shacabka, kuwaas la xiriira in Askar sita dareeska ciidamada Puntland ay Rasaas ka ridaan goobaha shacabka, iyagoo u awood sheeganaya.
Askarta Dowladdaha hoose iyo istaafyada masuuliyiinta ayuu sheegay in ay yihiin cidda uga badan ee cabashadoodu soo gaarto.
Guddoomiye Maxamuud ayaa xusay in Askarta falalkaas ku kaca aysan wax tallaabo ah ka qaadin saraakiisha xukunta, taas oo ah wax aan la aqbali karin.
Maxkamadda Ciidamada Puntland ayuu sheegay Guddoomiyuhu in ay kasoo muuqan doonaan Askarta dhibaateysa shacabka, iyadoo la marin doono sharciga.
IDILNEWS
