Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Wajiga 1aad ee mashruuca Biyo-saarka Garoowe oo xariga laga jaray
    Puntland

    Wajiga 1aad ee mashruuca Biyo-saarka Garoowe oo xariga laga jaray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 27, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ku-simaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee mashruuca biyo-saarka magaalada Garoowe.

    Mashruucan oo lagu magacaabo Nagaad, oo ka mid ah mashaariicda biyo-saarka ee ugu waaweyn ee laga hirgeliyey Soomaaliya, ayaa waxaa iska kaashaday Dowladda Hoose ee Degmada Garoowe iyo Bangiga Adduunka, waxaana fulisay shirkadda TTN. Sidoo kale, Hay’adda UNOPS ayaa mashruuca ka qayb qaadatay dhinaca qiimeynta.

    Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa munaasabadda ku weheliyey madaxa ugu sarreeya Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hideki Matsnaga, Wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Maamulka Gobolka Nugaal iyo kan Degmada Garoowe, Masuuliyiinta mashruuca Nagaad, Injineerada dhisay biyo-saarka, Nabaddoonno, Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Garoowe.

    Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ka hadlay muhiimadda uu mashruucani u leeyahay biyo-saarka magaalada Garoowe, isaga oo sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay sidii Garoowe looga dhigi lahaa magaalo nadiif ah, isla markaana biyaha roobku ay si habsami leh ugu mari lahaayeen marinnada loogu talagalay. Mashruucan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya horumarinta bilicda magaalada, yaraynta dhibaatooyinka ay sababaan biyaha roobka iyo hagaajinta kaabeyaasha biyo-mareennada caasimadda Puntland.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    November 9, 2026

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    November 4, 2026

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    November 3, 2026
    Latest Posts

    Madaxweyne Deni oo magacaabay Guddoomiyayaal degmo

    Ilhan Omar oo guul taariikhi ah ka gaartay doorashada Mareykanka

    Miisaaniyadda 2027 ee Puntland oo noqotay $308,213,973

    Uganda oo shaacisay war naxdin geliyay maamulka Xassan Shiikh

    Mareykanka oo bilaabay tababarka Ciidamo gaar ah oo Puntland yeelanayso – (Sidee loo qoray?)

    Askar katirsan Ciidamada Uganda oo ka duulay Muqdisho

    GAROOWE: Booliska Puntland oo qabtay gaari sidday Hub

    XOG: Puntland oo dhistay Cutub Ciidan oo ku dagaallama diyaaradaha Drones-ka

    Booliska gobolka Mudug oo la wareegay qalab Isgaarsiineed

    Deni “Waxaan kula talin Xassan Shiikh isagoo tiisa u turaya in uu is casilo”










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.