Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ka socda saacado badan magaalada Baydhabo, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh iyo ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee daacada u ah Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.
Dagaalka oo bilowday aroornimadii saaka ayaa yimid kaddib weerar dhowr jiho ah oo ay magaalada kusoo qaadeen Ciidamada Laftagareen, kuwaas oo horraantii dagaalka qabsaday saldhigyo Ciidan iyo xaafado kamid ah Baydhabo.
Diyaaradaha Drones-ka ee lagu xiro Qaraxyada ayaa qeyb ka ahaa dagaalka saaka, waxaana la xaqiijiyay in si tiro beel ah loo adeegsaday.
Khasaare oo xooggan ayaa ka dhashay dagaalka, wararka ayaa sheegaya in in kabadan 15 qof lagu dilay, kuwaas oo isugu jira dhinacyada dagaalamaya iyo dad shacab ah oo rasaastu ugu tagtay goobaha ay ku sugnaayeen.
Maamulka Laftagareen ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, waxayna tilmaameen in ay ku jabiyeen ciidamada maamulka Xassan Shiikh ee kusoo duulay magaalada Baydhabo bilo kahor.
IDILNEWS
