Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»DEGDEG: Burcad-badeedii haysatay Markabka MT Eureka oo isaga degay
    None
    Puntland

    DEGDEG: Burcad-badeedii haysatay Markabka MT Eureka oo isaga degay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 29, 2026Updated:September 29, 2026No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Koox Burcad-badeed ah oo haysatay Markabka MT Eureka ayaa isaga ka degay saacado kaddib markii ciidamada Badda Puntland ay hareereeyeen Markabka.

    Kooxda Burcad-badeeda ahayd ayaa kaga degay Markabka deegaanka Hul-caanood ee gobolka Karkaar, iyagoo sidoo kale kala sii degay shaqaalihii saarnaa Markabka oo gaarayay ilaa 12, kuwaas oo ay ku wareejiyeen shacabka deegaanka.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in kooxda Burcad-badeeda ah ay qaadeen fal xun, waxaana ay dab qabad siiyeen qeyb Markabka kamid ah, si ay waxyeelo ugu geystaan, una caarisiiyaan.

    Waa Markabkii saddexaad oo maalmo gudahood ay ciidamada Badda Puntland kala wareegaan Burcad-badeeda haysatay, saaka ciidamada Puntland ayaa howlgal qaatay saacado ku qabsaday Markabka Honour-25, iyagoo gacanta ku dhigay 22 kamid ah Burcad-badeedii haysatay.

    Sidoo kale, Maalmo kahor Ciidamada Badda Puntland ayaa howlgal ay ka sameeyeen xeebaha gobolka Mudug ku qabsaday Markabka MTT-SIBU1, waxaana ay dileen mid kamid ah Burcad-badeedii haysatay, iyagoo maxaabiis ahaan u qabsaday in kabadan 20 Burcad-badeeda, kuwaas oo qaarkood dhaawac ahaayeen.

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. W/Q: Muna Kaamila

    October 3, 2026

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Maxamed Gorod

    October 2, 2026

    Itoobiya oo xirtay safaaradeedii Asmara, ceyrisayna dublamayaasiyiin Eritrean ah

    October 1, 2026
    Latest Posts

    The Destructive Legacy of Dictatorship

    Xaaladda Isaias Afwerki iyo Abiy Ahmed waa tusaale mudan in dib loo milicsado. W/Q: Muna Kaamila

    Booliska gobolka Mudug oo gacanta ku dhigay Maxamed Gorod

    Itoobiya oo xirtay safaaradeedii Asmara, ceyrisayna dublamayaasiyiin Eritrean ah

    Maxaa kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada Puntland?

    Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay Madaxweynaha DDS

    Al-Shabaab oo dhaqdhaqaaq ka wada duleedka Muqdisho & diyaaradaha F-16

    PMPF operations have cleared Puntland coast spanning up to 1,650-KM from piracy

    الصومال في ظل التحولات الجيوسياسية الإقليمية والدولية

    UK oo waraaq kasoo saartay dagaalka Baydhabo ee Xassan Shiikh iyo Laftagareen










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.