Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola
    Puntland

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 6, 2026No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin la xiriirta cudurka Ebola, kaddib markii ay maanta Dowladda Kenya ku dhawaaqday inay diiwaangelisay kiiskii u horreeyay ee cudurka oo uu u geeryooday muwaadin Kenyaan ah.

    Sidoo kale, Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa soo saartay tilmaamaha ka hortagga cudurka Ebola.

    Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

    WAR-SAXAAFADEED

    Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland oo xoojisay u-diyaargarowga cudurka Ebola

    06-10-2026-Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland, iyadoo ka duuleysa kiiska cusub ee cudurka Ebola ee maanta laga xaqiijiyey dalka Kenya, waajibaadka ka saaran ilaalinta caafimaadka bulshada iyo ka hortagga cudurrada faafa, waxay soo saartay war-saxaafadeedkan.

    Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola, kaas oo lala xiriiriyey safar uu qofku kaga yimid Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo isagoo soo maray Uganda. Qofkaas ayaa ku geeriyooday Nairobi.

    1. Wasaaradda Caafimaadku waxay dadweynaha Puntland ogeysiinaysaa in ilaa hadda aan Puntland laga xaqiijin xaalad cudurka Ebola ah.

    2. Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay si dhow ula socotaa xaaladda cudurka Ebola (Ebola Virus Disease – EVD) ee ka jirta dalalka deriska ah iyo guud ahaan gobolka, gaar ahaan kiiska cusub ee laga xaqiijiyey Kenya, iyo khataraha suurtagalka ah ee faafitaanka cudurka.

    3. Wasaaraddu waxay xoojinaysaa tallaabooyinka u-diyaargarowga, ogaanshaha hore iyo jawaabta degdegga ah ee la xiriira ka hortagga cudurka Ebola.

    4. Wasaaradda Caafimaadku waxay bulshada ku boorinaysaa in qof kasta oo leh qandho, daal daran, madax-xanuun, murqo-xanuun, matag ama shuban, ama dhiig-bax aan caadi ahayn-gaar ahaan qof safar ku tagay dal uu cudurku ka jiro-uu si degdeg ah ula xiriiro xarunta caafimaad ee ugu dhow.

    5. Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay si joogto ah ula shaqaynaysaa hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh maaraynta khataraha iyo bah-wadaagta caafimaadka, si loo xoojiyo awoodda Puntland ee ka hortagga, ogaanshaha iyo ka jawaabidda cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka, oo uu ka mid yahay Ebola.

    6. Wasaaraddu waxay bulshada la wadaagi doontaa tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xoojinayo ka hortagga iyo ka jawaabidda xaaladaha la xiriira cudurka Ebola.

    Dhammaad

    IDILNEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    October 6, 2026

    Golaha Bilicda Gaalkacyo oo hirgelinaya mashaariic horumarineed

    October 6, 2026

    Markabka Honour-25 oo kusoo xirtay Dekedda Boosaaso

    October 6, 2026
    Latest Posts

    Itoobiya oo ku eedeeysay Xassan Shiikh ‘in uu khiyaamay’

    DEGDEG: Puntland oo soo saartay habraacyo looga hortagayo cudurka Ebola

    Golaha Bilicda Gaalkacyo oo hirgelinaya mashaariic horumarineed

    Markabka Honour-25 oo kusoo xirtay Dekedda Boosaaso

    Kenya oo shaacisay in Qof u geeryooday xanuunka Ebola

    Puntland oo Pakistan ku wareejisay Meydadka saddex Badmaaxe iyo 4 nool

    DEGDEG: Ciidanka Yemen oo dib u qabsaday magaalada Al-Makha

    Axmed Shide oo loo doortay Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya

    Akhriso: Itoobiya oo u jawaabtay isbaheysiga Masar, Eritrea, Sudan iyo Somalia

    Indonesia oo Puntland uga mahadcelisay badbaadinta muwaadiniin u dhashay










    AD







    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.