Dowladda Puntland ayaa Amar dul dhigtay Bangiyada ganacsi ee ku yaal deegaanada Puntland, kuwaas oo lagu amray in ay xiraan dhammaan Akoonada Banki ee ay ku leeyihiin maleeshiyaadka ka diiwaangashan maamulka waqtigiisu dhammaaday ee Xassan Shiikh Maxamuud.
IdilNews ayaa ogaatay in waraaq maalmo kahor loo diray Bangiyada ku yaal deegaanada Puntland, sida Bangiga Salaam Bank – la faray in ay xiraan koontada ay leeyihiin maleeshiyaadka Xassan Shiikh uu ka qortay deegaanada Puntland, ee bilo kahor lasoo afjaray.
Sidoo kale, Dowladda Puntland ayaa uga digtay Bangiyada gaarka loo leeyahay in ay ka shaqeeyaan Arrimo halis gelin kara amni deegaanka, lana marsado lacago sharci darro ah.
Go’aanka kasoo baxay Dowladda Puntland ayaa la xaqiijiyay in ay u hoggaansameen Bangiyada ganacsi, ayna joojiyeen
koontada ay ku lahaayeen maleeshiyaadka Xassan Shiikh ka qortay gudaha Puntland kal hore, balse lasoo afjaray.
Bilo kahor, Hay’addaha Amniga Puntland ayaa soo afmeeray howlgal lagu burburinayay maleeshiyaadka kooxda Xassan Shiikh ka sameysteen gudaha Puntland, waxaana xabsiga la dhigay in kabadan 200 oo kamid ah maleeshiyaadkan oo intooda badan lagu qabtay howlgalkii ciidamada Puntland ku galeen xerada maleeshiyaadka ilma diyaano ku lahaayeen duleedka Gaalkacyo.
IDILNEWS
