Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynaha Jubbaland oo kulan casho sharaf ah u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland.
    Somalia

    Madaxweynaha Jubbaland oo kulan casho sharaf ah u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Jubbaland.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 2, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Muqdisho, November, 01, 2017. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Muqdisho Xildhibaanada labada gole ee laga soo doortay Jubbaland.
     
    Kulankan wuxuu ahaa mid Madaxweynahu uu Xildhibaanada uga xog-waramayay xaaladaha deeganada Jubbaland iyo mid guud ee dalka gaar ahaan Arimaha la xiriira sidii Xildhibaanadu ay deeganadii laga soo doortay dib ugu noqon lahayeen isla markana hawlaha jira uga qayb qaadan lahayeen.
     
    Madaxweynahu wuxuu sheegay in Xildhibaanadu ay Jubbaland tagaan oo ay Bulshada la qaybsadaan duruufta adage e ay ku jiraan wuxuu hoosta ka xariiqay in ay lagama maarmaan tahay in Xildhibaanadu ay ka warqabaan Bulshada ay matalaan oo ay dareenkooda la darsaan lana qaybsadaan riyooyinkooda iyo hiigsiga ay leeyahiin.
     
    Mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ay dhibaatada ugu badan ee deegaanka taala ay tahay Al-Shabaab oo meelaha qaar wali jooga taasna lagaga bixi karo iskaashi iyo wadajir.
     
    “ Al-Shabaab in aan dalkeena ka xorayno oo aan Bulshadeena la qabsano xanuunka ay Argagixisadu ku hayaan waa masuuliyad ina wada saran” ayuu yiri Madaxweynahu.
     
    Xildhibaanada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in ay mushaarkooda iyo wixii taakulo ah oo ay heli karaan ay kaga qayb qaatan dagaalka Argagixisada lagula jiro oo ay furimaha tagaan ciidamadana dhiiri galiyaan.
     
    Xiriirka Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka ayuu Madaxweynahu sheegay in uu hadba ku xiran yahay sida loo wajaho marxaladaha jira iyo in sharciga la ilaaliyo iyadoo arimaha masiiriga ahna Dowladu ay ka talo galiso Dowlad Goboleedyada.
     
    “ Wadankeenu wuxuu kasoo kabanayaa dhibaato adag oo u baahan in tartiib tartiib aan uga soo kabano taas ayaana wanaagsan in aan wada xusuusnaano in dalkan lawada leeyahay go’aamadiisuna ay saamaynayaan cid walba oo dalkan wax ku leh” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
     
    Madaxweynahu wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay shirka wadatashiga ah ee hada kasocda Muqdisho isagoo xusay in hadii shirkii Kismaayo uuna dhicin aan Xamar la isugu imaadeen ajinabina loo kala dacwoon lahaa.
     
    Wuxuu hoosta ka xariiqay in Shirka Kismaayo uu soo xiray albaab furaa mudadii burburka oo Soomaalidu marka ay wax kala tabato shisheeyaha loo kala dacwoon jiray.
     
    Xildhibaanada ayuu Madaxweynahu ku booriyay in Xukuumada ay la shaqeeyaan oo hawlaha socda ee mustaqbalka u wanaagsan ay ku tageeraan oo aysan marnaba dib u dhigin.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.