Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Shirkii Amniga Qaranka Oo Qodobo laysku raacay ay kasoo baxeen
    Somalia

    Video:-Shirkii Amniga Qaranka Oo Qodobo laysku raacay ay kasoo baxeen

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 2, 2017Updated:November 2, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 02 Nov 2017 ka qayb galay kulan loogu gobol xaadhayey shirka amniga qaranka Soomaaliyeed.

    Kulanka oo  ay kasoo qayb galeen Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka DFS, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS, Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo masuuliyiin ka tirsan dawladdaha xubnaha ka ah DFS.

    Kulankan maanta ayaa ah kulankii labaad oo ay Madaxda DFS iyo Madaxda dawladdaha xubnaha ka ah DFS ay ku yeeshana Muqdisho kaas oo looga hadlayo amniga qaranka Soomaaliyeed.

    kulankan ayaa  waxa uu hordhac u ahaa shirka amniga qaranka Soomaaliyeed oo 04 December 2017 ka dhicidoona Muqdisho,  kaas oo ay kasoo qayb geli doonaan beesha caalamka.

    Kulanka ayaa looga dooday laguna ansixiyey arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin in si wada jir ah meel looga soo wada jeesto ladagaalanka kooxaha argagixisada, goloha ayaa ansixiyey qorshaha difaaca qaranka Soomaaliyeed kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gashaandhigga DFS, habaynta qaybaha ciidanka xoogga dalka iyo ansixinta gudiga isku dhafka ciidanka qaranka Soomaliyeed.

    .Ugu danbayn, shirka Madaxda qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisho uga socda ayaa dhowaan laga soo saari-doonaa go’aamo wax ku ool ah, kuwaas oo wax tar u lahaandoona shacabka Soomaaliyeed oo dhan,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

    https://youtu.be/xs87OgSrNFA

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.