Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Halkee marayaa shirkii madaxda Soomaalida Ee Muqdisho?
    Somalia

    Halkee marayaa shirkii madaxda Soomaalida Ee Muqdisho?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 3, 2017Updated:November 3, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Magaalada Muqdisho wali waxaa ka socda shirka u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka kaasoo dhaafay xiligii loogu talagalay in lagu soo gabagabeeyo.
     
    Shirkan oo ah mid xasaasi ah oo ku soo beegmay xili khilaaf siyaasadeed oo adag uu ka dhex jiro Dowladda dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka, ayaa u muuqda in aan wali is afgarad buuxa laga gaarin qodobada qaar.
     
    Inkastoo ay adag tahay in la wada helo dhamaan xogta ku saabsan shirka, ,balse warar hoose oo soo baxaya,ayaa sheegaya in leysku mari la’yahay qodobo muhiim ah,kuwaasoo kala ah:-
     
    1.Magaca Golaha iskaashiga ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah oo ay diidan tahay in Dowladda dhexe aqoonsato halka Dowladaha xubnaha ka Dowlada Fadaraalka doonayaan in la aqoonsado laguna soo daro war murtiyeedka.
     
     
    2.Go’aan ka gaarista siyaasada arrimaha dibada,iyadoo dood xoog leh ay ka taagan tahay qodobada 53-aad iyo 54-aad ee Dastuurka Dalka oo siyaabo kala Duwan loo fasirtay.
    3.Madaxda Galmudug iyo K/Galbeed oo dacwad ay soo gudbiyeen oo ka dhan ah Xukuumadda Kheyrre ay ku sheegeen in ay dumineyso labadaas maamul,iyadoo laga dalbaday in ay soo afjarto xiisadaha ka taagan Baydhabo iyo Cadaado ee ka dhanka ah Xaaf iyo Shariif Xasan.
     
    4.In sharciyada cusub ee ka soo gudba Golaha Wasiirada ka hor Baarlamaanka laga tala galiyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka halka Xukuumadda dhexe ay ku doodeyso in aysan awoodin marka loo eego dhinaca dhaqaalaha iyo waqtiga galaya iyo in Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ay wakiilo u yihiin Labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraalka oo Sharciyada ansixiya marka ugu danbaysa.
     
    Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa horay uga dalbaday xildhibaannada baarlamaanka Fadaraalka in aysan ku deg degin meel marinta hindise sharciyeedyo aan leysku waafaqsaneyn.
     
    5.Wadaaga kheyraadka dalka Dowladaha xubnaha ka ah dowlada Fadaraalka,ayaa ku dooday in aysan helin wax mashaariic ah sidaa daraadeed ay xukuumada dhexe ay uga fadhiyaan qoondo mashaariic si loo wadaago khayraadka waxaana laga yaabaa in qodobkan dib loo dhigo.
     
    6.Dib U-eegista dastuurka Fadaraalka ayaa dood xoog leh ka taagan tahay,iyadoo Dolwadaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka,ay ka biyo diideen hanaanka ay uwado Dowlada dhexe dib u eegista dastuurka,sidoo kale waxay ka baaqsadeen kasoo qaybgalka shir ku saabsanaa arrimaha dastuurka oo bishii la soo dhaafay ka dhici lahaa magaalada Muqdisho.
     
    Dowladda Federaalka ayaa looga fadhiyaa in ay dhameystirto dastuurka Fadaraalka kaasoo qabyo qoraal ah xiligan waxaana hubaal ah haddii aysan ka helin taageero Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka in aysan usuurtoobi doonin in ay dhameystiro dib u eegsitaas.
     
    Ilaa iyo hadda qodobada leysku afgartay ayaa lagu sheegay
    arimaha Amniga iyo la dagaalanka  Al-shabaab.
     
     
    Ugu danbayntii waxaa muuqata in kooxda Villa Somaliya ee uu hogaamiyaha dadban u yahay Fahad Yaasiin waagu ku baryay,isla markaana ay uromoobi wayday riyadoodii ahayd fashilinta nidaamka Fadaraalka iyo burburinta Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka ah.
     
    Fahad iyo kooxdiisa ayaa hankoodu ahaa in ay talada dalka gacanta kaligood ku hayaan kana hirgaliyaan qorshayaal guracan oo uqorshaysnaa.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.