Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Puntland:-Fariin ka timid Dalxiisayaal shisheeye iyo reer Puntland ah
    Somalia

    Puntland:-Fariin ka timid Dalxiisayaal shisheeye iyo reer Puntland ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 8, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saacadu waa 4am, waxaan ka dhaqaaqnay Garoowe aniga, saaxiibaday ( Njeep Abdullahi & Mohamed Bashir ) iyo saaxiibo kale oo safarka dalxiiska nagu weheliya. Safarkeena dhamaadkiisu waa halka uu barrigu (dhulku) ku dhamaado oo ah cirifka Bari ee Qaarada Afrika oo ku beegan degmada Xaafuun.

    Waxaan ka quraacanay Tuulo-Shire, intaa kadib waxaan laamiga dheer ee u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso ka leexanay markaan maraynay meel ku toosan tuulada Kalabayr oo Boosaaso u jirta 60 KM.

    Cimiladu maahan mid kulul oo cirka waxaa ku xardhan daruuro tiro badan. Saacado aan wado raf ah ku jirnay kadib waxaan nimid Tuulada Dharjaale oo qado naloogu sameeyay, waxaan ku aragnay dad aad noosoo dhaweeyay.

    Intii aan ku jirnay safarka, marna maanan dareemin amni daro iyo cabsi midna bal e’ waxaan arkaynay dad nagu soo dhawaynaya wajiyo farxadi ka muuqato. Ugu dambayn waxaan gaarnay 8:30 fiidnimo degmada qadiimiga ah ee Xaafuun oo horay uga tirsanayd Gobolka Bari balse hada ka tirsan Gobolka Karkaar.

    Dadka badi markay Xaafuun maqlaan waxaa ku soo dhacaya warshadii cusbada ee gumaystihii Talyaanigu ka sameeyay ku dhowaad qarni ka hor oo ay xiligaas ahayd magaalo ka mid ah kuwa ugu waawayn dhulka Soomaalida. Xaafuun waa magaalo ku taal badweynta Hindiya, dadka deegaankuna waxay u badan yihiin dad ku tiirsan kaluunaysiga.

    Qofwalba waxay u ahayd habayn hurdo iyo daal ah kadib safar qaatay ku dhowaad 16 saacadood. Subixii waxaan ku jarmaadnay halkii ujeedkeenu ahaa ee cirifka ay badda iyo barrigu iska galaan oo ah halka uu gumaystihii ka dhisay Guriga ifka bixiya (House of light) oo u jirta Xaafuun 45KM.

    Sida aan ku muujiyay sawirada, waxaa halkaa ka dhisan dhismayaal qadiimi ah oo qarni ka hor ladhisay, sida calaamadii ifka lahayd, guryo bur-bur ka muuqdo iyo dhagax meesha oodhan lagu meegaaray. Runtii waxay ahayd wax innaga oodhan aad aan oola yaabnay oo noo noqday waayo aragnimo cusub.

    Ugu dambayn waxaan goobta dhignay calaamad qoraal ah oo muujinaysa inay tahay halkani geeska Qaarada Afrika u shisheeya, intaa kadib waxaan kusoo laabanay Xaafuun abaare duhurnimadii.

    Habaynkii u dambeeyay ee aan seexano Xaafuun wuxuu ahaa habayn aan samaynay dabshid iyo sheeko, aana dhamaabteen meesha ku karsanay casho kadibna sifiican loogu sheekaystay dabka dushiisa.

    NB: Waxaan idinku dhiiri gelinayaa innaad isku daydaan xiliga fasadyada innaad dalkiina barataan oo ku dalxiistaan si aad u aragtaan waxyaabo ka duwan waxyaabaha marwalba noloshaada ku xeeran!

    Ahmed Garmaqate

    DHIIRI GELIN DAL BARASHO IYO DALXIIS DALKEENA.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.