Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Amison oo sagootinyasa Soomaaliya
    Somalia

    Amison oo sagootinyasa Soomaaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 11, 2017Updated:November 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ciiddanka hoos taga Hawlgalka AMISOM ayaa bilaabayo inay Ka-bixitaan Qorsheysan uga baxaan Somalia, marka la gaaro dabayaaqadda bisha December ee soo socota, iyadoo ay sii kordhayaan weerarada iyo cabsida laga qabo Alshabaab.

    Ka-bixitaanka AMISOM ee Somalia waxay dhibaato ku noqon kartaa Hawlgalka Maraykanka ka wado gudaha Somalia.

    Daad-gureynta Ciiddamadda ka kala socda 5-ta Waddan ee Jabuuti, Uganda, Burundi, Ethiopia, iyo Kenya ayaa la qorsheeyey, kadib, natiijadda Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee Tirsigiisu ahaa 2373, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalka Maraykaanka.

    Qaraarkaasi waxa uu Hawlgalka AMISOM awood u siiyey inay Hawlgalka sii wadaan ilaa bisha May ee sannadka 2018-ka, iyadoo Tirada Ciiddanka lagu soo koobi doono 21,626 Askari, marka la gaaro bisha December 31-da ee sannadka 2018-ka.

    Madaxa Midowga Afrika ee Hawlgalka Amisom, AmbassadorFrancisco Madeira waxa uu shaaciyey inay bilaabanayso qorshaha ay Ciiddanka AMISOM kaga bixi doonaan Somalia, iyadoo la filayo inay 1,000 Askari la daad-gureeyn doono dabayaaqada bisha soo socota ee December.

     

    Khubarada ayaa rumeysan in Ka-bixitaankaasi muuqaal kale u yeeli karo Gobalka, iyadoo labadii bilood ee la soo dhafaay ay qaraxyo iyo dilal ka dhaceen Somalia.

    Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM, Robyn Mack ayaa sheegay inay in ka badan 500 Askar Maraykan ah joogaan Somalia , isla markaana la dardar gelinayo Tababarada Ciiddanka Somalia, kuwaasi oo horumar sameeyey iyagoo Taageero ka helaya Caalamka.

    Marka la isku duubo, Xaalladda Ammaanka ee Somalia ayaa u muuqata mid aan la soo dhaweyn Karin.

    Sida laga soo xigtay Afhayeenka Taliska Ciiddanka Maraykanka ee AFRICOM, Robyn Mack Qiimeyn ay sameeyeen Taliska AFRICOM waxay sheegaysaa inay Somalia ka hawl-galaan 3,000 ilaa 6,000 oo Dagaalyahano Alshabaab, kuwaasi oo uu xusay inay ku xooggan yihiin Koonfurta Soomaali oo ay Taariikgh Joogitaan ku leeyihiin, waa sida uu hadalka u dhigay.

    Waxa kale oo uu sheegay inay iyo 250 ka tirsan Maleeshiyadda Kooxda Daacish-ta Somalia.

    Dhinaca kale, Afhayeenka Taliska Milliteriga AFRICOM waxa uu xusay inay DFS maamusho wax ka yar 60% dhulka Somalia.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.