Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasuuqgii Qawmiyada Rohingya Oo la degay sumcadii Aung San Suu Kyi
    Somalia

    Xasuuqgii Qawmiyada Rohingya Oo la degay sumcadii Aung San Suu Kyi

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ciidammada Myanmar ayaa sii daayay natiijada baadhitaan ay iyagu sameeyeen oo ay iskaga bariyeeleen eedaymaha rabshadaha Rohingya.
     
    Waxay diideen in ay dileen dadka qawmiyadda Rohingya, in ay guryahooda gubeen iyo in ay kufsadeen gabdhahooda iyo dumarkooda.
     
    Sheegashadaas ayaa liddi ku ah dhibaatadii uu indhihiisa ku soo arkay wariye BBC ka tirsan taas oo Qarammada Midoobayna ay ku tilmaantay xasuuq isir sifayn ah oo taariikhda gali doona.
     
    Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sheegtay in warbixintu ay tahay isku day “lagu qarinayo wixii dhacay”.
     
    Hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa Qarammada Midoobay ugu baaqay in gobolka loo ogolaado in ay tagaan dad xaqiiqo raadin ah.
     
    Warbaahinta ayaa si wayn looga xanibay aagaas, laakiin safar aad loola socday oo uu weriyaha BBC-da uga soo warrama Koonfurta Aasiya, Jonathan Head uu ku tagay halkaa ayuu indhihiisa ku arkay dad Budhiste ah oo gubaya tuulooyin ay leeyihiin qawmiyadda Rohingya, iyadoo ay goobtaas taagan yihiin booliis hubaysan.
     
    In kabadan nus milyan dad ah oo badankood Muslimiinta Rohingya ee laga tiro badan yahay ah ayaa ka cararay Myanmar oo ay aqlabiyad ka yihiin dadka Budhistaha ah tan iyo bishii Agoosto ee sannadkan.
     
    Ka dib markii ay billawdeen hawlgal ay kaga jawaabayeen malayshiyo Rohingya ah oo weerarro ku qaaday saldhigyo booliis, dilayna qaar ka mid ah laamaha ammaanka.
     
    Dadkaas badankood waxay gaareen Bangladesh iyagoo qaarkood ay ku yaallaan dhaawacyo ay rasaas ka mid yihiin, waxayna sheegeen in ciidammada Myanmar oo gacan siinaya dad Budhiste ah in ay gubeen tuulooyinkoodii ayna weerareen oo laayeen shacabka.
     
    Laakiin war qoraal ah oo milatarigu uu soo dhigay Facebook ayay ku sheegeen in ay waraysi la yeesheen kumannaan shacab ah kuwaas taageeray sheegashadooda, waxayna sheegeen in dadku ay qireen in laamaha ammaanku:
     
    Aysan laynin dad “aan waxba galabsanin”
     
    Aysan “faraxumaynin oo aysan kufsanin dumarka”
     
    Aysan “xirin, garaacin, dilinna dadka tuulooyinka”
     
    Aysan xadin “dahab, gawaari iyo xoolo ay dadka tuulooyinku lahaayeen”
     
    Aysan “dab qabadsiinin masaajiddo”
     
    Aysan u hanjabin, u cagajuglaynin, saarinna dadkii tuulooyinka”
     
    Aysanna “gubin guryo”
     
    Milatarigu wuxuu sheegay in ay dab qabadsiinta masuul ka yihiin dad ka tirsan bulshada Rohingya (oo la dhoho Bengali) kumannaanka ruux ee qaxayna laga dalbaday guuritaanka, ayna u qaxeen iyaga oo ka baqaya argagixisada.
     
    Afhayeen u hadlay hay’adda Amnesty International ayaa sheegay in milatarigu uu “caddeeyay” in uusan doonaynin isla xisaabtan”.
     
    Wuxuu intaas ku daray in beesha caalamku ay sare u qaaddo xaqiijinta in tacadiyadaas aan laga gudbin iyadoo aan la ciqaabin dadkii gaystay.”
     
    Jeneraalkii masuulka ka ahaa gobolkaas ayaa hawshaas laga wareejiyay, laakiin wax faahfaahin ah lagama bixinin arrintaas.
     
    Sareeye Gaas Maung Maung Soe ayaa “kaydka la galiyay,” sida uu sheegay qof u hadlay wasaaradda difaaca.
     
    Kooxda magaceeda loo soo gaabiyo ARSA oo sheegata in ujeedadoodu ay tahay in ay “difaacdo, badbaadiso ilaalisana” dadka Rohingya ayaa ka kooban dhallinyaro samaysa hub guryaha lagu hagaajiyo waxayna tabobar ka helaan dad ajaaniib ah sida ay sheegeen dadka la socda xaaladda deegaankaas.
     
     
    Xigasho BBC.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.