Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»”Siyaasadii Puntland Ee Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn shafkay dhulka gashatay”
    Somalia

    ”Siyaasadii Puntland Ee Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn shafkay dhulka gashatay”

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 14, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Markii laga soo tago goolaaftanka Raga iyo Dumarka kasoo jeeda Sool iyo Sanaag ee ku salaysan xagsashada kuraasta iyo gunooyin fiican ee ay hada haystaan siyaasada Puntland ee Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn dhan walba oo aad ka eegto shafkay dhulka dhigatay.

    Laascaanood oo ah Caasimadii Gobolka Sool iyo magaaladii ugu muhiimsanayd waxay mudo ku dhaw 10-sano ka maqan tahay gacanta Puntland mana jirto dadaal muuqda oo loogu jiro dib usoo celinteeda,sidoo kale Deegaamada kale ee Gobolka Sool mahan iyaguna kuwa si buuxda ugu jira gacanta Maamulka.

    Nidaam shaqo oo ay ku hawlgalaan laamaha amaanka ee Gobolka majiro marka laga soo tago shaqsiyaad sheegta masuuliyiinta Gobolkaas ee laamaha amaanka kuwaasoo la arko xiliyada mushahaar qaadashada.

    Haba yaratee waxaan jirin Adeeg Bulsho noocuu doone ha ahaadee.

    Waxaa hoos u dhacay niyadii iyo rabitaankii bulshada caadiga ah ee Goboladaas ay u hayeen Puntland.

    Niyadka jabka Dadka soo gaaray waxuu ku khasbay in hamigoodii ay ka quustaan iskana ilaawaan difaacida qadiyadooda.

    Puntland labadii maamul ee iskaga danbeeyay waxay ka baaqsadeen waxkaqabashada xaalada Goboladaas dhan walba waxaana moodaa in ay ku yata’o een fikrada ah Beelaha dega Deegamadaas hadaysan dhab ka ahayn difaacida dhulkooda Puntland kale wax badan kuma saa’idin karto.

    Waa aragti aan macno badnayn iyo ficiltan heerkiisu hooseeyo,hadafka Puntland ee difaacida dhulkaas kuma salaysnayn oo kaliya uhiilinta beelaha dega deegaamadaas ee waxuu ku qotomay qadiyad iyo aragti ka fog ficil beeleed.

    Hadafku waxuu ahaa dhawr qodob oo kala ahaa:-

    1.In Kala go’a Somaliya waxii sahlaya laga hortago.

    2.In hadafka beesha Isaaq ee ku cadgoosata maamulka Somaliland kuna qotoma nacaybka iyo xumaanta beelaysan laga hortago.

    3.In Beelaha Dhulbahante iyo Warsangeli ee dega deegamadaas loo muujiyo garab istaag dhan walba ah xiliga adag.

    Waxaa muuqata siyaasiyiintii iskaga danbeysay hogaaminta Villa Puntland in hankoodii iyo aragtidoodii ay ka hoos martay kuwa Maamulka Somaliland.

    Siyaasiyiinta beesha Isaaq ee ku cadgoosta maamulka Somaliland waxuu hamigoodu yahay hanashada Dhul iyo Dad.

    Hadaan siyaasada Puntland ee ku aadan Goboladaas aysan waxba iska badalin xiliga dhaw xaalku sida hada uu yahay waa kasii adkaan doonaa.

    Puntland waxaa looga fadhiyaa in ay ka gudubto caadifada hoose ee ah la ficiltanka Nin aan Dhul iyo Dad kala jeclayn hankiisuna yahay helida xogaa Gunna ah.

    Hadafkii fogaa ee Puntland ay ka lahayd haysashada Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn kuma filna ilaalintiisa danayste Gunno helid u dhex fadhiya Hotelada quruxda badan ee caasimada Garowe.

    Isku soo wada duuboo Puntland waa in ay shaqo badan qabataa si dhaawicii gaaray siyaasadeedii Goboladaas ay u dhaymaan.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.